Chelsea ayaa isku dayi doonta inay guusheedii shanaad oo xidhiidh ah gaadho tartamada oo dhan kulanka ay caawa soo dhawaynayso dhigeeda Newcastle United.
Chelsea ayaa ahayd mid wanaagsan oo wacdarro dhigaysay tan iyo magacaabistii tababare Thomas Tuchel halka Newcastle qudheedu aysan xumayn kulamadii u dambeeyay kaddib laba guulood oo ay kasoo heshay saddexdii ciyaarood ee u dambeeyay.
Waayaha Stamford Bridge ee Tuchel ayaa ku bilawday bar-bardhac goolal la’aan ah oo ay la galeen Wolves balse tan iyo wakhtigaas ayay kasoo gudbeen afar kulan oo ay guulo si xidhiidh ah usoo gaadheen.
Chelsea ayaa hadda booska 1-aad ku jirta waxaana guul ay ciyaartan gaadhaan ay ku tagi doonaan booska 4-aad ee miiska kala sarreynta Premier League iyagoo ka sarre mari doona Liverpool oo markale kuftay toddobaadkan.
WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR
Chelsea ayuu markale ka maqnaan doonaa hoggaamiyaha daafaceeda ee Thiago Silva taas oo ka dhigan in Andreas Christensen uu kusoo bilaaban doono.
Timo Werner oo sidoo kale dhaawac lugta ah oo fudud ku maqnaa kulankii Barnsley ayaa la filayaa inuu soo laabto balse lama hubo haddii uu tijaabada taam ahaansho ee kulankan ka gudbi karo Kai Havertz.
Safka Chelsea ayaa la filayaa inuu u ekaan doono midkii ay Sheffield United ku wajaheen toddobaadkii hore iyadoo Mount iyo Werner ay garbaha ka ciyaarayaan balse Tammy Abraham ayaa booska weerarka dhexe kala bixi kara Olivier Giroud.
Dhinaca Newcastle waxa maqnaan doona weeraryahan Callum Wilson oo mudo garoomada seegaya, sidoo kale Fabian Schar iyo Javier Manquillo.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; James, Jorginho, Kante, Chilwell; Mount, Abraham, Werner
Newcastle United: Darlow; Krafth, Clark, Dummett, Lewis; Hayden, Willock, Shelvey, Almiron; Joelinton, Saint-Maximin
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Peter Bankes
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora