Hordhac: Chelsea vs Crystal Palace – Lampard Iyo Wiilashiisa Oo Daqiiqado Yar Ku Nasan Kara Kaalinta Labaad Ee Horyaalka.

Advertisements

Chelsea ayaa kulanka ugu horreeya horyaalka Premier League maanta soo dhaweyn doonta Crystal Palace, waxeyna raadineysaa guusheedii shanaad oo xiriir ah kulamada horyaalka, sidoo kalana booska labaad ayey saacado ku nagaan karaan hadii ay guuleystaan.

Palace qudhooda waxey isha ku hayaan iney iska ilaaliyaan guuldaro, maadaama isbuucii lasoo dhaafay ay dhibaato kala kulmeen Leicester City, waxeyna isku dayi doonaan iney muddo kadib guuldaro dhabarka u saaraan Frank Lamaprd.

Kulanka wuxuu kusoo aadayaa xilli Lampard la gudoonsiiyay abaalmarinta macalinkii ugu fiicnaa bisha Oktoobar horyaalka Premier League, maadaama uu saddex guulood kooxdiisa gaarsiiyay.

WRBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Crystal Palace

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 3:30 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Mike Dean (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Inkastoo dhaawac looga saaray kulankii Ajax, hadana liiska ciyaartoyda maanta ciyaareysa ayaa lagu soo daray Mason Mount, sidoo kalana Ross Barkley ayaa isna kooxda ka maqnaan doona ciyaarta maanta.

N’Golo Kante ayaa laga yaabaa inuu garoomada kusoo laabto, wuxuuna badal u noqon karaa Jorginho oo ganaax hal kulan ah kooxda kaga maqnaan doona.

Emerson Palmieri ayaa laga yaabaa inuu daafaca bidix ka badalo Marcos Alonso, sidoo kale Reece James ayaa isna filanaya inuu ciyaaro maanta.

Dhanka Palace, waxaa shaki weyn la galinayaa James McArthur kaas oo dhaawac la kulmay kulankii Leicester City, sidoo kalana Cahill iyo Kouyate ayaa dhaawacan balse waxaa la rajeynayaa iney taam u noqdaan ciyaarta.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Arrizabalaga; Azpilicueta, Zouma, Tomori, Palmieri; Kante, Kovacic; Willian, Mount, Hudson-Odoi; Abraham

Crystal Palace:

Guaita; Ward, Tomkins, Cahill, Van Aanholt; McCarthy, Kouyate, Milivojevic; Schlupp, Zaha, Ayew

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka maanta waa midkii 55-aad ee ay labadaan kooxood iska hor yimaadaan, Blues ayaa guul gaartay 27-jeer, halka Palace ay badisay 12-jeer oo qura.

Advertisements

Inkastoo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyay ay libinta heysatay Chelsea, hadana Crystal Palace waxey minan iyo martiba guuleysatay 2017, mid ka mid ah guulahaas Bridge ayey ku gaartay.

16-ciyaarood oo ayaa la ciyaaray, 24-sano ayaana kasoo wareegatay markii ugu dabmeysay oo ay barbaro ku dhameystaan kulankooda, waxeyna sidaas dhacday March 1995.

One response to “Hordhac: Chelsea vs Crystal Palace – Lampard Iyo Wiilashiisa Oo Daqiiqado Yar Ku Nasan Kara Kaalinta Labaad Ee Horyaalka.”