HORDHAC: Celta Vigo vs Real Madrid – Los Blancos Oo Cadaadiska Sii Saaraya Atletico, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka

Real Madrid ayaa isha ku hayn doonta inay gaadho guusheedii saddexaad ee xidhiidh ah tartamada oo dhan marka ay fiidnimada caawa martida ku tahay magaalada Vigo oo ay ugu tagayso dhigeeda Celta Vigo.

Advertisements

Real Madrid ayaa hadda booska saddexaad kaga jirta miiska kala sarreynta La Liga waxaana ay lix dhibcood ka dambeeyaan Atletico Madrid oo hoggaanka haysa halka Celta ay kaalinta 10-aad ku joogto 34 dhibcood oo ay ka heshay 27 kulan oo ay ciyaartay.

Celta Vigo vs. Real Madrid Tips, Preview and Predictions

Xogta Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Celta Vigo ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Ruben Blanco, Emre Mor iyo Sergio Alvarez oo dhaawacan balse Hugo Mallo ayaa diyaar ah kaddib markii uu ganaax ku seegay kulankii Athletic Bilbao.

Advertisements

Lago Aspas ayay hubaal tahay inuu kusoo bilaaban doono doorka weerarka, Santi Mina ayaa la filayaa inuu kula midoobi doono halka ay u badantahay in Nolito iyo Mendez ay garbaha weerarka kasoo muuqan doonaan.

Dhinaca Real Madrid waxa kulankan seegaya kabtan Sergio Ramos oo laga saaray liiska xiddigaha uga qayb galaya ciyaartan kaddib dhaawac fudud oo kasoo gaadhay lugta bidix.

Sidoo kale waxa wali sii maqnaan doona Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola taas oo ka dhigan in Lucaz Vazquez uu yahay dookha kaliya ee booska daafaca midig ugu diyaarka ah Zidane.

Casemiro ayaa diyaar ah kaddib markii uu ganaax ku seegay kulankii Atalanta ee Champions League waxaana ay u badantahay inuu Federico Valverde khadka dhexe kala bixi doono.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Celta Vigo: Villar; Mallo, Araujo, Murillo, Martin; Mendez, Tapia, D Suarez, Nolito; Mina, Aspas

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Varane, Nacho, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Vinicius, Benzema, Asensio

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Balaidos

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*