Hordhac: Burnley vs Manchester United – Red Devils Oo Hoggaanka La Wareegaysa Markii U Horreysay Muddo Siddeed Sannadood Ah, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Advertisements

Manchester United ayaa caawa waxay marti u tahay Burnley oo ay lasoo ciyaarayso kulankii baaqiga u ahaa, waxaanay si buuxda ula wareegi doontaa hoggaanka horyaalka Premier League haddii ay guul ama barbarro ka keento ciyaartan.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxay haysataa 33 dhibcood oo ay ka midaysan yihiin Liverpool oo dhinaca goolsha kaga haysa hoggaanka, laakiin Bunrley ayaa iyaduna ka laallaadda kaalinta 16aad iyagoo 16 dhibcood oo kaliya ka 15 ciyaarood oo horyaalka ah oo ay dheeshay xili ciyaareedkan 2020-21.

Burnley ayaa ciyaartani ay u timid iyadoo dib usoo noolaanaysay toddobaadyadii ugu dambeeyey, isla markaana soo guuleysatay saddex ka mid ah afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, taas oo ay ku jirto guushii 1-0 ahayd ee ay ka gaadhay Sheffield United dhamaadka bishii December.

Tababare Sean Dyche ayaanay kooxdiisu ciyaarin kulankii Fulham ay la dheeli lahayd January 3 sababtoo ah, kooxda reer London oo uu ka dillaacay Korona Fayras ayaa loo baajiyey kulankaas. Laakiin FA Cup oo ay Sabtidii ciyaartay ayay Bunley barbarro 1-1 ah ku dhamaysteen kooxda heerka saddexaad ee MK Dons balse waxay kusoo gudubtay rikoodheyaal.

Manchester United ayaa iyaduna jidka guusha ugu soo laabatay guushii FA Cup ee ay ka gaadhay Watford iyadoo uu waliba goolkaas waqti hore u dhaliyey Scott McTominay. Guushan ayay kaga soo kabatay khasaarihii 2-0 ahaa ee ay Manchester City ugu xambaarisay Old Trafford ee semi-finalka FA Cup.

Red Devils oo guulo soo gaadhaysay kulamadii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ayaa waxay dhibco ahaan soo qabatay Liverpool oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey midna laga badiyey labana barbarro keentay, taas oo ka dhigan in Jurgen Klopp ay wiilashiisu lumiyeen toddoba dhibcood saddex ciyaarood gudahood.

Advertisements
Solskjaer oo uu culays weyni haystay markii ay ka hadheen tartanka Champions League ayaa waxa uu caawa helayaa fursad uu hoggaanka horyaalka si buuxda ugu qabto markii ugu horreysay muddo siddeed sannadood ah xilli uu horyaalku kala-badh marayo, waxaana ugu dambaysay in sidan oo kale ay samayso sannadkii 2013kii oo ahayd markii ay horyaalka Premier League ku guuleysteen.

Manchester United waxa hoggaanka horyaalka Premier League ku qaban kartaa haddii ay guuleysato saddex dhibcood oo nadiif ah iyadoo waliba Axaddana la ciyaari doonta Liverpool oo haddii ay ka badiso ay lix dhibcood ka horreyn doonto.

Bishan January waxay fure u noqon kartaa xili ciyaareedka Manchester United, waxaana Burnley ugu xigaya Liverpool, Fulham, Sheffield United iyo Arsenal, halka ay Southampton la ballansan tahay February 2.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Burnely vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 11:15 pm

Garoonka: Turf Moor

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Burnley waxay rajaynaysaa in goolhaye Nick Pope uu kasoo kaban doono dhaawac kuraanta ah ka hor inta aan la gaadhin waqtiga ay ciyaartu bilaabmayso laakiin Will Norris ayay tahay inuu caddeeyo taam ahaanshihiisa.

Dwight McNeil ayaa sidoo kale helaya fursad kaddib markii uu kasoo laabtay jugo soo gaadhay, waxa kale oo la filayaa inay soo laabtaan Charlie Taylor, Jay Rodriguez iyo Kevin long.

Dhinaca Manchester United waxay Sabtidii xaqiijisay in saddexda ciyaartoy ee Paul Pobga, Victor Lindelof iyo Luke Shaw ay dhaawac ku seegeen ciyaartii FA Cup ee Watford laakiin dhamaantood waxay kusoo laabteen tababarka iyagoo taam ah, halka Eric Bailly uu isaguna kasoo kabanayo jug kasoo gaadhay markii ay isku dhaceen goolhaye Dean Henderson.

Phil Jones iyo Facundo Pellistri ayaa wali maqan, halka Marcos Rojo ay tahay inuu raadsado koox uu ku biiro, laakiin Edinson Cavani ayaa ganaax saddex ciyaarood ah oo la saaray aanay wali ka dhamaanin.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa inuu lasoo shir-tago shaxdiisa ugu adag, sida Rashford, Martial, Fernandes, De Gea iyo Fred oo soo nastay ciyaartii Watford ee FA Cup.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Burnley: Pope; Lowton, Tarkowski, Mee, Pieters; McNeil, Westwood, Brownhill, Brady; Barnes, Wood

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; McTominay, Fred; Pogba, Fernandes, Rashford; Martial

1 Fekrad

  1. Iska saxa cavani ganaaxii sadexda ciyaaroo wuu ka dhamaaday waxa uu fadhiyey ciyaarihii aston villa, Manchester city, watford come back cavani

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*