Hordhac: Barcelona vs Celta Vigo – Ciyaartoyda Balaugrana Oo Isku Dayi Doona Iney Badbaadiyaan Ernesto Valverde.

Advertisements

Barcelona ayaa soo dhaweyn doonta caawa kooxda Celta Vigo iyadoo u baahan iney guul gaarto si ay isaga qaado cadaadiska baryahaan heystay, kooxda wax guul ah ma gaarin labadii ciyaarood ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan.

Sidoo kale ciyaartoyda kooxda ayaa u midoobi doona sidii ay u badbaadi lahaayeen tababarahooda Ernesto Valverde kaas oo qarka u saaran in kooxda laga ceyriyo, guuldaradii kasoo gaartay Levente iyo barbarahii ay la galeen Slavia Parague ayaa wax walba sii kiciyay.

Si kastaba kooxda farqiga goolasha ku hogaamineysa La Liga, waxey u baahan tahay iney wadada guusha kusoo laabato.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Celta Vigo

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 11:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Guillermo Cuadra Fernandez (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Luis Suarez ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka caawa, balse lama filaayo inuu kusoo bilowdo, sidoo kale Jordi Alba ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro.

Valverde ayaa heysta saf xoogan uu isbadalo badan ku sameyn karo, Arthur, Firpo iyo Sergio ayaa laga yaabaa iney kusoo bilowdaan ciyaarta caawa.

Santi Mina iyo Rafinha oo ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Celta Vigo ayaa shaki la galinayaa iney ciyaaraan kulanka, halka Kevin Vazquez iyo Claudio Beauvue ay ciyaarta seegi doonaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona:

Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Firpo; Busquets, De Jong, Arthur; Griezmann, Messi, Fati

Cela Vigo:

Blanco; Mallo, Aidoo, Araujo, Olaza; Suarez, Beltran, Lobotka, Mendez; Aspas, Fernandez

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Celta Vigo ayaa guul gaartay kulankii ugu dambeeyay labada kooxood dhexmara, 2-0 ayeyna ku badiyeen kulankii ka dhacay Balaidos bishii MAY 2019.

Advertisements

Barcelona muddo shan sanadood ah guuldaro kalama kulmin Celta Vigo kulamada ay kula ciyaarto Camp Nou, waxeyna dooneysaa iney sii wadato rikoorka ay kaga heysato gurigeeda.

Labadaan kooxood waxey horay u kulmeen 46-jeer, Barcelona ayaana ah kooxda guulaha badan oo heshay 22-guul.

Comments are closed.