HORDHAC: Atletico Madrid vs Chelsea – Simeone Iyo Tuchel Oo Cidiyaha Ku Dagaallamaya, Shaxaha Macquulka Ah & Wararka Labada Dhinac

Advertisements

Kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa kulan ka tirsan wareega 16-ka ee UEFA Champions League ku wada ciyaaraya dalka Romania sababo la xidhiidha sharciga xanuunka Korona Fayras ee qaar kamida dalalka Yurub kala xidhay.

Kulanka ayaa walow garoon dhex ah lagu ciyaarayo xisaabsan in la joogo gegida Atletico Madrid iyadoo lugta labaad ay gudaha bisha March ka dhici doonto Stamford Bridge.

Atletico Madrid vs Chelsea: Champions League prediction, lineups, h2h, TV channel, live stream, odds | Evening Standard

Atletico ayaa hoggaanka horyaalka La Liga saddex dhibcood ku haysa iyadoo ka sarreysa Real Madrid xilli waliba kulan baaqi ahi u hadhsan yahay balse kooxda tababare Diego Simeone ayaa dhibco badan lumisay ciyaarihii ugu dambeeyay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Atletico Madrid ayuu ka maqnaan doonaa daafaca muhiimka u ah ee Jose Gimenez kaas oo dhaawac muruqa ah ku baxay kulankii Sabtidii ee Levante.

Savic ayaa kulankaas Levante sabab ganaax ku seegay balse kulanka caawa daafaca dib ugula midoobi doona Mario Hermoso iyo Felipe.

Sidoo kale Atleti ayaa kulankan waayaysa adeegsa Yannick Carrasco halka Sime Vrsaljko uusan taam buuxa ahayn oo uusan kusoo bixin liiska kooxdiisa ee kulankan si lamid ah Hector Herrera balse waxa diyaar ah Joao Felix iyo Luis Suarez.

Dhinaca Chelsea waxa maqnaanaya daafaca dhexe ee khabiirka ah ee Thiago Silva kaas oo taam u noqon waayay kulankan kaddib dhawr kulan oo u hore dhaawac muruqa ah ugu seegay.

Tuchel ayaan la filayn inuu safkiisa Chelsea isbedelo badan kaga sameeyo shaxdii ay bar-bardhaca kula soo galeen Southampton Sabtidii iyadoo Timo Werner iyo Mason Mount ay kusoo wada bilaabanayaan.

N’Golo Kante ayaa kasoo hormari kara Mateo Kovacic oo la midoobi kara Jorginho halka la filayo in Marcos Alonso uu keydka kusii hayn doono Ben Chilwell.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Atletico Madrid: Oblak; Savic, Felipe, Hermoso; Llorente, Kondogbia, Koke, Saul, Lodi; Felix, Suarez

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; James, Kante, Jorginho, Alonso; Mount, Abraham, Werner

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Arena Nationala

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Felix Brych

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*