Hordhac: Arsenal vs Aston Villa – Miyay Gunners Badin Doontaa Ka Dib Seddex Kulan Oo Guul La’aan Ah? – Saadaasha & Xogta Kulanka

Advertisements

Farxadii ku gaaf wareegsaneyd Emirates Stadium ka dib saxiixyadii ay sameeyeen xagaaga ayaa sii baaba’aysa ka dib sida xun ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka.

Unai Emery ayaa cadaadis uu saaran yahay ka dib markii Gunners ay iska qasaarisay hogaan labo gool ah kulankii ay la ciyaareen kooxda ugu hooseysa horyaalka, iyadoo qaladaad daafac oo ay sameeyeen daafacyada dhexe David Luiz iyo Sokratis ay qasaarisay kooxda.

Watford waxaa shalay 8-0 ku xasuuqday kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City.

Kooxda ku cusub Premier League xilli ciyaareedkan ee Aston Villa waxa ay durbaba dhadhamisay guuldarro booqashadii ay ku timid Waqooyiga London xilli ciyaareedkan iyadoo guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay Tottenham.

Aston Villa waxaa barbaro goolal la’aan ah ku qabatay kooxda West Ham habeenkii Isniinta, waxaana ay kaliya ka badiyeen Everton tan iyo intii ay ku soo laabteen horyaalka heerka koowaad.

  • Hordhac Arsenal vs Aston Villa

  • Premier League 2019-20

  • Garoonka: Emirates Stadium

  • Taariikhda: Axad 22ka September, 2019

  • Waqtiga: 6.30pm Saacada Geeska Afrika

Wararka labada kooxood

Sead Kolasinac waxaa la bedelay habeenkii Khamiis kulankii Europa League ee ay badiyeen sababo la xiriira dhaawac yar oo soo gaaray laakiin Arsenal ayaa ku rajo weyn inuu taam u noqdo kulanka maanta.

Rob Holding ayaa tartan ugu jira inuu safto maanta, halka xiddigaha akadeemiga Joe Willock iyo Bukayo Saka ay rajeynayaa inay wax ka ciyaaraan ka dib goolashii ay ka dhaliyeen Eintrach Frankfurt.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Aston Villa Trezeguet ayaa soo laabanaya ka dib hal kulan uu ganaax ku maqnaa halka Matt Targett uu ka soo laabtay dhaawac muruqa ah,.

Jonathan Kodjia iyo James Chester ayaa weli dhaawacyo ku maqan.

Shaxda Macquulka Ah:

Arsenal XI: Leno, Maitland-Niles, Sokratis, Luiz, Kolasinac, Xhaka, Ceballos, Guendouzi, Ozil, Aubameyang, Pepe.

Aston Villa XI: Heaton, Guilbert, Engels, Mings, Taylor, Luiz, Grealish, McGinn, El Ghazi, Trezeguet, Wesley

Saadaasha: Arsenal 3-1 Aston Villa

Advertisements

Dhibaatada Arsenal waa marka ay martida yihiin, laakiin qaab ciyaareed garoonkooda waxa uu ahaa mid fiican.

​Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku jira qaab ciyaareed gooldhalin joogta ah, waxaana la filayaa inuu dhibaato ku noqdo daafaca Aston Villa inkastoo kaliya hal gool laga dhaliyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.