Heshiiskii Lionel Messi & Man City Oo Burburay Ka Dib Go’aan Adag Uu Qaatay Guardiola & Kooxda Kaliya Ee Uu Messi Ku Biiri Karo Xagaaga

Manchester City ayaa lagu waramayaa inay gabi ahaanba ka baxday heshiiskii ay ku keeni laheyd Lionel Messi horyaalka Premier League, waxayna haatan u arkaan kiis la soo xiray.

Advertisements

City ayaa in muddo ah ugu cadcadeyd soo xerogelinta xiddiga Barcelona haddii uu ka tago Camp Nou ka dib markii uu xagaagii hore shaaciyay inuu doonayo inuu baxo.

Isku daygii uu Messi ku baxayay ayaa dhicisoobay xagaagii la soo dhaafay iyadoo madaxweynaha cusub Joan Laporta uu u muuqdo mid ka dhaadhicin raba xiddiga reer Argentina inuu qandaraas cusub saxiixo.

Sida ay sheegtay jariirada Sport, City ayaa xiiseyneysay inay la saxiixato Messi xagaagii la soo dhaafay laakiin waxay haatan gacanta ka taagteen saxiixiisa iyagoo aaminsan in xiddiga reer Argentina uu qandaraaska u cusbooneysiin doono Barca.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in Guardiola uu qaatay go’aan adag oo ah inay kooxda raadiso bedelka Sergio Aguero iyagoo bedelka Messi diirada saaraya xiddigaha kala ah Erling Haaland, Harry Kane iyo Romelu Lukaku.

City ayaan wax qarsoon ka dhigin inay raadinayaan gooldhaliye weyn ka dib markii ay xaqiijiyeen in gooldhaliyahooda ugu sareeya Sergio Aguero inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado qandaraaskiisa.

Jariirada Sport ayaa sheegtay in Paris Saint-Germain ay haatan tahay kooxda kaliya ee Messi u furan inuu ku biiro xagaagan haddii uu doonayo inuu isaga dhaqaaqo Camp Nou.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*