HESHIIS DHAN: Tartankii Loogu Jiray Daafaca Bidix Ee Real Madrid Ee Sergio Reguilon Oo Lagu Kala Calaf-Qaaday – Man United Mise Tottenham?

Advertisements

Kooxaha Manchester United iyo Tottenham ayaa u muuqda kuwo ku kala adkaaday saxeexa daafaca bidix ee Real Madrid ee Sergio Reguilon oo ay arrimihiisa United soo waday muddooyinkii ugu dambeeyay.

Sergio ayaa xilli ciyaareedkii hore heshiis amaah ah oo guuleystay lasoo qaatay kooxda Sevilla oo uu kula soo guuleystay UEFA Europe League isla markaana loogu soo aqoonsaday daafacii bidix ee ugu wanaagsanaa horyaalka La Liga.

Reguilon ayaa walow uu shaqadaas wacan soo qabtay haddana kusoo bixi waayay qorshayaasha Real Madrid gaar ahaan kuwa tababare Zinadine Zidane oo booska daafaca bidix u haysta Ferland Mendy iyo Marcelo Vieira.

Advertisements

Sida uu hadda sheegayo saxafi Fabrizio Romano, Tottenham ayaa u muuqata mid dhigeeda Manchester kaga guuleysatay saxeexa Reguilon kaddib markii ay Red Devils diideen qorshayaal ay Real wadatay balse ay Spurs si sahlan ku yeeleen.

Tottenham ayaa kula heshiisay Real Madrid lacag 30 Milyan oo euro ah halka ay sidoo kale heshiiska shaqsiga ah la gaadheen xiddiga isla markaana kaliya waxa hadhsani yahay in la saxeexo waraaqaha qandaraasku ku hirgalayay.

Sida uu Fabrizio xusayo, Manchester United ayaa iska diiday qorshihii Real ee ahaa in heshiiska lagu daro qoddob u ogolaanaya Los Blancos inay mustaqbalka dib ula wareegi karaan haddii ay baahdaan Reguilon.

Tottenham ayaa qoddobkaas ogolaatay taas oo ka dhigan in haddiiba uu 23 sano jirkaasi horumar fiican sameeyao ay Real wakhtigay doonto dib ula wareegi karto.

Saxafiga ree Talyaani ayaa intaas ku daray in Reguilon uu doonayay ku biirista dhinaca Manchester United balse labada kooxood oo is-fahmi waayay darteed uu u ogolaaday inuu Jose Mourinho la midoobo.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*