Kooxda caasimada Spain ee Real Madrid ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigtay oo si buuxda meel u saartay saxeexa daafaca dhexe ee Bayern Munich ee David Alaba oo ay ku garaaceen dhigooda Liverpool.
Bayern ayaa iyadu xilli horeba qiratay in sii haysashada David lagaga adkaaday kaddib markii uu iska diiday heshiis cusub oo ay usoo bandhigeen oo uu 200,000 Pound ku qaadanayay toddobaadkii.
28 sano jirkaas ayaa 13 sano kusoo qaatay Bayern Munich waxaana hadda xaaladiisa si guud dusha ugala socday kooxo kale oo badan oo ay kamid yihiin Manchester City, Manchester United, Chelsea iyo Liverpool.
Sida laga warqabay Real Madrid ayaa ahayd kooxda ugu cad cad saxeexa Alaba iyagoo aan wax wakhti ahna iska luminin, wargeyska Marca ayaa shaaca ka qaaday inuu qandaraas afar sano ah la gaadhay kooxdaas.
Alaba ayaa la fahamsan yahay inuu sanadkii Real Madrid lacag 11 Milyan oo Pound ah ka qaadan doono isla markaana uu haatanba ka gudbay tijaabada caafimaadka.
Sida uu sheegay wargeyska The Independent, Liverpool oo ahayd kooxda kale oo tartanka tooska ah la gashay Madrid ayaa ugu dambayn iskaga baxday doonistiisa.
Reds ayaa iska diiday inay saxeexa Alaba sameeyaan sababtoo ah mushaharka badan ee uu doonayo iyagoo aan ku qancin dhererkiisa oo kaliya 5’9 ah iyo waliba da’diisa oo bisha June 29 noqonaysa,
Alaba ayaa shaki la’aan kamid ah daafacyada dhexe ee xilligan ugu wanaagsan Yurub isaga oo xilli ciyaareedkii hore saddexley koobab ah kasoo caawiyay Bavaria.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora