“Harry Maguire Waxa Uu Noqon Karaa Kabtanka Man United, Wax Shaki Ahi Kuma Jiro Midaas” – Maguire Oo Haatanba Loo Qal-Qaalinayo Inuu Noqdo Kabtanka Red Devils.

Advertisements

Daafacii hore ee kooxda Manchester United ahna daafaca dhexe ee haatan ee Leicester City ee Jonny Evans ayaa haatanba xilka kabtanimo ee kooxdiisii hore u saadaaliyay saaxiibkiisii hore ee Leicester ee Harry Maguire.

Maguire ayaa Manchester u saxeexay suuqii xagaagan ee dhawaan xidhmay isaga oo ugu soo biiray aduun lacageed oo dhan 80 Milyan isla markaana noqday daafaca abid ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta.

Intaa kaddib Harry waxa uu isku soo muujiyay kulankiisii ugu horreeyay ee kooxdu ay Chelsea guusha ka gaadhay isagoo noqday xiddigii kulankaas walow kulamadii ka dambeeyay ay soo dhibtoodeen.

Haddaba, Evans oo wakhti kusoo qaatay Old Trafford aqoona u leh Maguire ayaa aaminsan in daafacan ree England uu leeyahay waxkasta oo u suurogalinaya inuu noqdo kabtanka mustaqbalka ee Red Devils.

Jonny Evans oo ka hadlaya arrimahaas ayaa yidhi “Waxaan filayaa in Harry uu joogi doono United siddeed, sagaal ama tobban sano”.

Advertisements

“Marka ay halkaas gaadho waxaan filayaa in dadku ay dib u eegi doonaan lacagtii laga soo bixiyay oo ay odhan doonaan waxa ay ahayd raqiis”.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Man United Oo Shaacisay Liiska Xiddigaha Ay Kala Hortageyso Wets Ham - Miyaa Lagu Soo Daray Daniel James, Paul Pogba Iyo Anthony Martial?

“Anigu waan la dhacsanaa Harry, Waxaan filayaa inuu sii wadi doono inuu guul dhab ah ku noqdo United wuuna sii wadi karaa si uu u noqdo kabtankooda, Wax shaki ahi kuma jiro midaas, Isagu waa ciyaartoy cajiib ah waxaana uu ku haboon yahay waxkasta oo ay United raadinayso”

Comments are closed.