Harry Maguire Oo Dalbaday In Loo Keeno Oo Laga Garab Ciyaarsiiyo Daafac Tilmaamo Gaar Ah Leh Oo Dad Badan Ka Yaabiyay

Harry Maguire ayaa lagu waramayaa inuu ka dalbaday Manchester United in laga garab ciyaarsiiyo daafac luqada Ingariiska ku hadli kara ama daafac u dhashay England.

Advertisements

Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku bedbedelayay Eric Bailly iyo Victor Lindelof si ay uga garab ciyaaraan Harry Maguire si loo helo xiddiga ku haboon ee ka garab dheeli kara daafaca Ingariiska.

Laakiin Red Devils ayaa lagu qasbi karaa inay xoojiso daafaceeda xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga iyagoo raadinaya daafaca ku haboon ee ka garab dheeli kara Maguire.

Joornaaliistaha Ingariiska ah Duncan Castles ayaa sheeegaya in 28 jirka kabtanka United inuu doonayo daafac Ingariis ku hadla ama u dhashay England in laga garab ciyaarsiiyo.

Advertisements

Maguire ayaa doonaya in daafaca la keenayo Manchester United inuu noqdo mid faahmsan dhaqanka kubada cagta Ingariiska.

Castles ayaa sheegay in daaficii hore ee Leicester City inuu tusaale u soo qaatay daafaca dhexe ee kooxda Brighton Ben White kaasoo diirada u saaran Man United.

White oo 23 sanno jir ah ayaa 29 kulan u saftay kooxda Brighton xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ka soo laabtay amaah lagu guuleystay uu ku joogay Leeds United xilli ciyaareedkii hore.

Daafaca Brighton oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga 2024 ayaa ka mid noqday xiddigaha diirada u saaran tababare Ole Gunnar Solskjaer xagaaga.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kalsooni ku qabin labada daafac dhexe ee Man United waana sababta uu shaxdiisa ugu soo bilaabo mar walba labo burburiye khadka dhexe si ay u caawiyaan daafaca.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*