“Harry Maguire Halaga Reebo Shaxda England” – Rio Ferdinand Oo Magacaabay Labada Daafac Dhexe Ee England U Dheelaya Koobka Qaramada Yurub

Advertisements

Rio Ferdinand ayaa sheegay in Harry Maguire uu u dheelayo si liidato sidaasi darteed ay tahay inaan lagu soo bilaabin shaxda xulka England.

Kabtanka Man United ayaa loo arkaa inuu yahay magaca koowaad ee ku soo baxaya shaxda xulka Three Lions ee tababare Garethn Southgate marka ciyaaraha Qaramada Yurub ay bilowdaan xagaaga.

Maguire ayaa ka dhex muuqday xulka England sannadihii ugu danbeeyay, iyadoo su’aasha ay aheyd kaliya cida ka garab ciyaareysa bedelkii laga hadli inuu isagu shaxda u qalmo.

Laakiin Ferdinand oo 81 kulan u saftay xulka England ayaa dareensan inay jiraan xiddigo isaga ka fiican oo England u dheeli kara.

“Xiddigaha qaab ciyaareed wanaagsan ku jira Michael Keane ayaa mar walba ka hormarin lahaa isaga. Ma jiro qof wadankaan jooga oo Premier League daawanaya isbuuc walba oo ku sheegaya in Maguire uu ka fiican yahay Michael Keane waqti xaadirkaan. Ma soo arkeysid qofkaas” ayuu yiri Ferdinand.

“Michael Kean wuxuu si joogta ah oo fiican uga ciyaarayaa Everton booska daafaca dhexe, sidaasi darteed haatan waxaan dooran lahaa Michael Keane iyo John Stones. Yaa kaloo booskaas ka dheeli kara? Yaa kale oo aad xulan laheyd?

“Stones waxa uu haatan ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, tartan ayuuna ku jiraa mar kale, wuxuuna ka dhibrad badan yahay kuwa kale taasoo isaga u ah wax fiican. Sidaasi darteed waqti xaadirkaan waa in laga hadlo kaliya cida ka garab ciyaareysa Stones.

“Haddii la fiiriyo qaab ciyaareedka, Maguire kuma jiro qaab ciyaareed fiican haatan. sidaasi darteed Michael Keane ayaa dhihi lahaa. Haddii aad ku qiimeneyso qaab ciyaareed markaas ma xulaneysid Maguire.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*