HANJABAAD: Mucjisadii Goolasha Ee Erling Haaland Oo Hanjabaad Argagax Ku Abuuraysa Kooxaha Kale Soo Diray

Advertisements

Mishiinka gool-dhalinta ee sida mucjisada ah usoo baxay ee  Erling Haaland waxa uu dhaliyey toddoba gool saddex ciyaarood oo uu u saftay Borussia Dortmund, waxaanu samaystay rikoodh u gaar ah oo aanay cidina uga horreynin.

136 daqiiqadood oo kaliya oo uu saftay waxa uu magaciisa ku qortay toddoba gool oo Bundesliga ah, kuwaas oo ku yimid laba ciyaarood oo uu beddel kusoo galay iyo mid lagu bilaabay, laakiin dhinaca kale, rikoodhkiisan waxa uu ku jabiyey mid 57 sannadood soo taaagnaa oo aanay muddadaas cidina ku riyoonin inay dhaafi doonto.

Markii uu Sabtidii dhaliyey laba ka mid ah goolal 5 ah oo ay kooxdiisu ku burburisay Union Berlin, waxa uu sheegay in aanu weli taam ahayn oo uu kasii wanaagsanaan doono.

“Wali boqolkiiba boqol maan noqonin. Taam ayaan soo noqon doonaa.” Ayuu yidhi 19 jirka reer Norway oo Warbaahinta la hadlay.

Xiddigan da’da yar ee mucjisada goolasha ah, waxa uu siffeeyey difaaca kooxda uu goolasha ka dhaliyey ee Union Berlin ee Neves Subotic, waxaanu tilmaamay in uu yahay laba ciyaartoy oo la isku daray.

“Haaland waa Lewandowski iyo Aubameyang oo la isku daray.” Ayuu yidhi Neven Subotic.

Advertisements

Imaatinka Erling Haaland, waxa Borussia Dortmund ay u noqotay wax layaab leh iyo cudud aanay hore u haysanin, sannadkan cusub ee 2020 kana waxay dhaliyeen 15 gool oo toddoba ka mid ah uu saxeexay Haaland.

Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadda cusub ee Erling ee ah in aanu wali taam ahayn isagoo saddex ciyaarood ku dhaliyey toddoba gool, ayaa waxay walaac ku abuuraysaa kooxaha waaweyn ee ay Germany sida Bayern Munich.

 

Comments are closed.