Halyeeyga Liverpool Mark Lawrenson Oo Ka Digay In Steven Gerrard Laga Dhigo Bedelka Jurgen Klopp

Steven Gerrard weli waqti badan ayaa u harsan inuu ku soo laabto Liverpool isagoo tababare ah inkastoo uu horyaal la qaaday kooxda Rangers, sidaasi waxaa aaminsan daaficii hore ee Liverpool Mark Lawrenson.

Advertisements

Kooxda reer Scotland ayaa ku guuleysatay horyaalka dalkaas markii ugu horeysay muddo 10 sannadood ah taasoo keentay in Gerrard lagu amaano sida uu dhulka uga soo qaaday kooxda Rangers iyo sida uu meesha uga saaray awoodii ay Celtic ku heysatay kubada cagta Scotland.

Iyadoo booska Jurgen Klopp ee Liverpool uu mugdi soo galay xilli Liverpool ay ku jirtay qaab ciyaareedkeedii ugu xumaa, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Gerrard uu Liverpool ku soo laaban karo xagaagan.

Lawrenson ayaa si kastaba aaminsan inay waqti dhow ku tahay Gerrard inuu tababare ka noqdo Liverpool isagoo sheegay in kabtankii hore ee Reds inuu u baahan yahay inuu isku soo cadeeyo koox kale oo Premier League ah ka hor inta uusan soo guryo noqon.

Advertisements

“Waxa aan dhahayo ayaa ah, guulo kasta oo lala gaaro Rangers in tababare loo noqdo Liverpool aad ayay uga duwan tahay” ayuu Lawrenson ku qoray maqaalkiisa BBC Sport.

“Waa talaabo aad iyo aad u weyn. Waxay noqon doontaa khamaar weyn oo ay galaan milkiilayaasha kooxda Fenway Sports Group haddii ay magacaabaan Gerrard.

“Waxaan qabaa in taageere hal il leh oo Liverpool ah inuu dhihi doono “Stevie G hala keeno’ haddii uu Jurgen Klopp baxayo laakiin kuwa kale waxay dhihi doonaan: “Shaqo aad u fiican ayuu ka qabtay Rangers, wuxuu ahaa ciyaaryahan weyn laakiin malaha wuxuu u baahan yahay inuu marka hore shaqo kale ka soo qabto Premier League.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*