Halyeeyga Arsenal Ee Ian Wright Oo LABA Kamida Xiddigaha Kooxdiisa Amaanta Ka Ceshan Waayay Kulankii Waalida Ahaa Ee West Ham United

Arsenal ayaa xalay awood u yeelatay inay kasoo laabato natiijo 3-0 ahayd oo ay kooxda West Ham United ku hoggaaminaysay kulan ka qabsoomay gegida London Stadium iyadoo kooxda tababare Mikel Arteta dhammaan saddexda gool lagaga dhaliyay 32-kii daqiiqo ee ugu horreeyay.

Advertisements

Saddex gool oo ay Hammers ka kala heleen Jesse Lingard, Jarrod Bowen iyo Tomas Soucek ayaa kala dhantaalay Gunners bilawgii ciyaarta.

Laakiin laba gool oo ay si qaldan iskaga dhaliyeen Craig Dawson iyo Soucek iyo waliba gool uu dhaliyay Alexandre Lacazette ayaa ka caawiyay Arsenal inay samayso soo laabasho cajiib ah.

Marka laga yimaado inay qaab aad u liita ku bilawdeen ciyaarta, Gunners ayaa u qalmay inay dhibicdaas ka helaan kulanka marka laga eego qaabka ay u fal-celiyeen.

Advertisements

Laba kamida xiddigaha Arsenal ayaa kulankaas soo sameeyay qaab ciyaareed holac ah iyaga oo bandhigoodii London Stadium ku kasbaday amaanta Ian Wright.

Labadaas xiddig ayaa kala ah Calum Chambers oo si lama filaan ah booska daafaca midig ugu bilawday ciyaartaas iyo Martin Odegaard oo qaab amaah ah ugaga yimid dhinaca Real Madrid suuqii January.

Wright ayaa yidhi “35-kii daqiiqo ee ugu horreeyay Arsenal meelnaba ma aysan jirin waxaana ay West Ham u ahayd dhaxal inay iyaga ciqaabaan”

“Laakiin ugu dambayn dabeecada ay muujiyeen waxa ay ahayd mid weyn, Chambers, Martin Odegaard waa qof ay u baahan yihiin inay hubiyaan inay saxeexiisa sameeyaan haddii ay awoodaan”

“Isagu waxa uu doonayaa kubadda wuuna ciyaaraa, isagu waa mid aad ugu faa’ido badan kubadda, waxa uu sameeyay kulan ay Arsenal u baahnayd”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*