Halyeey Thierry Henry Oo Doortay Kooxdiisa Shanta Gees, Miyey Ku Jiraan Messi & Ronaldo – Yaase Kasoo Muuqday?

Advertisements

Halyeeygii hore xulka France Thierry Henry ayaa doortay kooxdiisa shanta gees xilli uu ka hadlaayay mid ka mid ah barmaaijyada maqal baahiyayaasha ka jeediyo Jamie Carragher, balse waxaa layaab noqotay inuu iska iloobay ciyaartoyda qarnigaan 21-aad.

Thierry Henry oo wakhtiyo kusoo qaatay kooxaha Juventus, Arsenal iyo Barcelona ayaan hal xiddig oo kasoo dhinac ciyaaray kusoo darin liiskaan, sidoo kalana hal xiddig oo maaliyadda qarankiisa soo xirtay xitaa kuma jiro.

Qof walba wuxuu filayay in Lionel Messi uu kusoo dari doono ama xitaa Cristiano Ronaldo kuwaas oo ah labada xiddig dagaalka ugu dheer kubadda cagta uu u dhexmaray masraxyada lagu bixiyo abaalmarinada iyo garoomada kubadda cagta.

“Waxaan dhihi lahaa Pele, [Diego] Maradona, [Johan] Cruyff, [Franz] Beckenbauer iyo Michael Laudrup” ayuu yiri Henry oo la hadlaayay Jamie Carragher kaas oo daadihiya barnaamijka maqalka ah ee The Greatest Game.

Advertisements

“Waligey ma fahmin Laudrup, wuxuuna ahaa mid aad hoos loogu dhigay”

“Marka aan ka hadleyno kubadda cagta, waa in magacaas uu meesha yaalaa”

Comments are closed.