Halyeey Reer Argentina Ah Oo Kashifay Cidda Badaleysa Tababare Ernesto Valverde & Wakhtiga Laga Badali Doono.

Advertisements

Cadaadiska shaqada tababare Ernesto Valverde ee shaqada Barcelona ayaa sii kordhaya iyadoo halyeeygii hore Argentina Claudio Borghi uu aaminsan yahay in macalinkaan uusan sii maamuli doonin kooxda gobolka Catalonia ka dhisan sanadka cusub, wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in macalinka River Plate maamula Marcelo Gallardo uu yahay shaqsiga qaban doona xilkaas.

Borghi oo koobka adduunka kula guuleystay Argentina 1986, balse hadda TV-yada ka falanqeeya ciyaaraha kubadda cagta ayaa ka dhawaajiyay in Marcelo Gallardo uu la wareegi doono xilka tababaranimo ee Balaugrana ka hor inta aan la gaarin sanadka cusub.

“Gallardo ayaa maamuli doona Barcelona bisha Diseembar” ayuu yiri Borghi.

“Waa mid ka mid ah macalimiinta ugu wanaagsan dunida”

“Madaxweynaha River Plate – Rodolfo] D’Onofrio ayaa ka dhawaajiyay inuu shaqada uga tagi karo inuu isaga iska casilo, balse aniga waxaan ogahay iney arintaani tahay mid iiga timid ilo la isku halleyn karo”

Sidoo kale agaasimaha ciyaaraha kooxda River Plate (Enzo Francescoli) ayaa ka hadlay arrinkaan, wuxuuna ka dhawaajiyay iney u diyaar garoobi doonaan go’aan walba isagoo la hadlayay Tv-ga laga leeyahay Argentina ee TYC Sports.

“Waxaan u baahanahay inaan isku diyaarino go’aan walba” ayuu yiri Enzo.

Advertisements

“Tani waxey dhacday sanado ka hor, markii Ramon Diaz uu noo sheegay inuu ka tagayo kooxda, balse uma maleynayo iney arintaan midaas ka weyn tahay”

“Kama fakaraayo waxa dhici doona bilaha soo socda, sababtoo ah xitaa ma ahan go’aankeyga”

Comments are closed.