Maxay Isaga Mid Yihiin Nicolas Pepe, Cristiano Ronaldo & Kylian Mbappe? Masuul Saddexda Shaqsiba Aqoon U Leh Ayaa Sharaxay.

Advertisements

Miyay jirtaa meel ay iskaga eeg yihiin ama ay isku dabeecad ka yihiin saxeexa cusub ee kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe, Da’yarka mucjisada ah ee PSG ee Kylian Mbappe iyo Cristiano Ronaldo oo aan sharaxaad badan u baahnayn oo Juventus ka tirsani?.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Lille ee Luis Campos ayaa sharaxay sida uu Pepe u shabaho Ronaldo iyo Mbappe iyadoo waliba uu dhammaan saddexda shaqsiba aqoon u leeyahay oo uu lasoo shaqeeyay.

Pepe ayaa suuqii xagaaga Arsenal kaga soo biiray dhinaca kooxda Lille kaddib heshiis 72 Milyan oo euro ku qabsoomay balse ilaa iyo haatan ma uusan soo muujinin sababtii ay maamulka kooxdaasi lacagta intaas le’eg uga bixiyeen.

Campos oo Pepe ku garanaya kooxdiisii hore ee Lille ayaa ka sheekeeyay in xiddiga ree Ivory Coast uu Ronaldo iyo Mbappe kala mid yahay jacaylka badan ee uu u qabo kubadda cagta.

Agaasimahan ayaa aaminsan in mid kamida calaamadaha heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta lagu gaadho uu kamid yahay jacaylka kubadda loo qabo midaasna uu leeyahay Nicolas.

Luis Campos ayaa yidhi “Aniga ahaan mid kamida calaamadaha ciyaartoy aad u sarreeya waa inay jecel yihiin kubadda cagta”.

Advertisements

“Waan xasuustaa la shaqayntii Cristiano Ronaldo iyo Kylian Mbappe, Iyagu way garanayeen waxkasta oo ku saabsan kubadda cagta, Mbappe wuu ogaa dhammaan natiijooyinka kulamada horyaalka heerka labaad ee France”.

“Nicolas Pepe waa sidaas oo kale, Isagu waa tusaale kale ee muhiimada ciyaartoy jecel kubadda cagta, Kulan kaddib kulankaas ayuu markale gabi ahaanba dib u daawadaa laba jeer si uu naftiisa uga dhigo mid in badan sii wanaagsan”.