Hakim Ziyech Oo Hadlay Markii Ugu Horeysay Tan Iyo Markii La Xaqiijiyay Inay Iibsatay Chelsea

Advertisements

Hakim Ziyech ayaa sheegay inay howl qabyo ah ka taalo Ajax ka dib markii la xaqiijiyay inuu xagaaga si rasmi ah ugu wareegayo Chelsea.

Xiddiga reer Morocco ayaa ku biiri doona kooxda Premier League ka dhisan xagaaga isagoo noqday saxiixii ugu horeeyay ee uu sameeyo tababare Frank Lampard markii ay Chelsea ku iibsatay 44 milyan euro.

Dhaawac uu ka qabay kubka ayaa u diiday 26 jirkaan inuu dheelo seddexdii isbuuc ee ugu danbeysay laakiin Ziyech ayaa soo laabtay kulankii ay Ajax xalay kaga badisay 3-0 kooxda Vitesse.  24 saacadood ka dib kulankaas waxaa la xaqiijiyay in Chelsea ay iibsatay.

Inkastoo uu ku faraxsan yahay inuu England u wareego hadana waxa uu rajeynayaa inuu si xusuus mudan uga tago kooxda Amsterdam ka dhisan.

“Waan ku faraxsanahay inaan taam ahay mar kale si aan ugu riyaaqo bilaha iigu danbeeya” ayuu Hakim Ziyech ku soo qoray Instagram.

Advertisements

“Waxaan helay fariimo badan oo diiran islamarkaana niyadsami ah mudadii aan maqnaa, waxaan rajeynayaa inaan sii abuuro xusuusyo kale oo qurux badan.

“Waan ku faraxsanahay talaabadeyda xiga laakiin marka hore waa inay dhameystiro howsha qabyada iga ah.”

Comments are closed.