Xiddigii hore ee xulka qaranka Argentina ee Pablo Zabaleta oo talo usoo jeediyay saaxiibkiisii hore ee xulkaas ee Lionel Messi oo mustaqbalkiisa Barcelona aan meel lagu hubin ayaa kula taliyay inuu u wareego kooxdiisii hore ee Manchester City.
Heshiiska uu Camp Nou ku joogo Messi ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana saxeexiisa ku tartamaya kooxo laga xusi karo Paris Saint-Germain iyo Man City inta la ogyahay.
PSG ayaa ahayd kooxda hadal haynta ugu badan ka samaysay doonista Messi iyagoo dhawr jeer shaqsiyaad kooxdaas ahi si cad u sheegay halka ay Man City u muuqato mid ku shaqaynaysa siyaasad qabow uu aamusnaan leh.
Haddaba, Zabaleta oo kula taliyay Leo inuu u wareego dhinaca Sky Blues ayaa ku sababeeyay kooxda siinaysa xaaladaha ugu haboon maadaama oo ay joogaan afar qof oo meeqaam sarre leh oo uu shaqsiyan Messi u yaqaano.
Pablo oo wargeyska Mirror la hadlayay ayaa yidhi “Leo La Liga ayuu joogay sanado aad u badan waxaanan filayaa inay soo jiidasho weyn u noqon doonto isaga inuu helo khibrada kubadda cagta England”
“Manchester City ayaa siinaysa shuruudaha ku haboon, waxa uu yaqaanaa Pep si aad u fiican, waxa uu yaqaanaa Txiki Begiristain (Agaasimaha ciyaaraha) iyo Ferran Soriano (madaxa fulinta) iyo sidoo kale Sergio (Aguero)”
“Waxay noqon lahayd go’aan weyn haddii uu Leo ka tago Barcelona, laakiin haddii ay sidaasi tahay waxa uu doonayo waa wax wanaagsan inuu tago koox horeba u haysata cid isaga ka caawin karta inuu sal dhigto”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora