Hadalkii Uu Emre Can Ka Yiri Liverpool Oo Isaga Dib U Ugaarsanaya & Qoomamada Uu Qabo Maanta

Hadalkii uu Emre Can yiri sannadkii 2018 ayaa isaga haatan dib u ugaarsanaya ka dib markii Liverpool ay ku guuleysatay horyaalka Premier League Khamiistii.

Xiddiga Jarmalka ayaa u ciyaarayay Liverpool intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018 ka hor inta uusan qandaraaskiisa dhameysanin islamarkaana si xor ah ugu biirin Juventus.

Can ayaa markii hore ka aamusnaa sababta uu u baxay isagoo ka mid ahaa kooxda Jurgen Klopp oo waqtigaas wacdarro dhigeysay.

Laakiin ugu danbeyn aamusnaanta wuu ka baxay isagoo sheegay in sababta ugu weyn ee uu uga tagay Liverpool inay aheyd inuu ku guuleysto koobab.

“Waxaan dalabyo badan ka helay kooxo aad u fiican” ayuu Can u sheegay Liverpool Echo.

“Juventus waxay xiriir fiican la laheyd wakiilkeyga muddo sannado ah. Waxaan ogahay sida ay kooxda u weyn tahay iyo inay doonayaan inay koobab ku guuleystaan. Anigana sidaasi ayaan doonayaa. Waxaan halkaan u imid inaan koobab ku guuleysto.”

Dabcan Juventus waxay ku guuleysatay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Can uu kooxda joogay, laakiin Bianconeri waxay horyaalka ku guuleysaneysay sannad walba tan iyo 2012kii.

Hamiga ugu weyn ee kooxda Talyaaniga waxa uu ahaa inay ku guuleystaan Champions League oo ay ugu danbeysay sannadkii 1996dii. Dhanka kale Liverpool ayaa ku guuleysatay Champions League sannad ka dib markii uu baxay Emre Can.

Can ayaa dheeri ku noqday Juventus iyadoo amaah loogu diray Dortmund isagoo markii danbe si joogta ah ugu biiray.

Haatan uu joogo Dortmund, waxaa sii yaraaneysa fursada uu u heysto inuu ku guuleysto horyaal ama Champions league, halka Liverpool ay qaaday Premier League markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan.

Can kaliya ma ahan ciyaaryahan ka tagay Liverpool sannadkii 2018 ee doonayay inuu koobab ku guuleysto.

Philippe Coutinho ayaa isna ka tagay Liverpool si uu koobab u la qaado Barcelona laakiin xiddiga reer Brazil isagana qoomamo ayuu taagan yahay maanta.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*