Hadaladii Uu Tababaraha Salzburg Ku Canaantay Ciyaartoydiisa Kulankii Anfield & Amarkii Uu Ku Bixiyay Iney Bartilmaameed Ka Dhigtaan Virgil van Dijk Oo La Kashifay. (Daawo Muuqaal)

Advertisements

Canaan uu tababare Jesse Marsch u jeediyay ciyaartoydiisa Red Bull Salzburg ayaa keentay inay ka soo kabsadaan seddex gool ay Liverpool uga hormartay ka hor inta uusan Mohamed Salah gool afaraad ka dhalinin kulankii Champions League ee habeenkii Arbacada.

Macalinka Mareykanka ayaa aad u careysnaa ka dib markii uu arkay qeybtii hore oo ku soo dhamaatay 3-1 iyadoo Reds ay goolal u kala dhaliyeen Mane, Salah iyo Robertson halka Hwang Hee-Chan uu gool u soo celiyay kooxda Salzburg.

Markii ay kooxdiisa ku soo laabteen qolka labiska, tababare Marsch oo inta badan luqada Jarmalka ku hadlayay ayaa yiri: “Marka ugu horeysa, immisa qalad ayaan galnay? Malaha labo?

“Ma ciyaar saaxiibtinimo ayaan ciyaareynaa, waa Champions League. Waa inaan ciyaar adag aan dheelno. Waa inaad si adag u la ciaartaan Van Dijk, waxaan ku ciyaareynaa ixtiraam badan – ixtiraam ayaad u muujineysaan Liverpool.

“Waa inay ina dareemaan, waa inay ogaadaan inaan halkaan u joogno inaan tartano, waa inay ogaadaan inaan u nimid inaan kubad ciyaarno.

“Waxaan ka hadleynaa taatiko laakiin marka aan garoonka galno waa inaan ku galno kalsooni. Haatan waa dagaal u dhaxeeya iyaga iyo anaga. Aan sarre u qaadno dagaalkeena.

“Waxaan aragnay inay xoogan yihiin laakiin aan ka fiicnaano sidii hore oo nolol gelino ciyaarteena.

Advertisements

“Kalsooni aan isku qabno, aan kubad xoog ah ciyaarno. Kubadaha koornooyinka iyo laadadka xorta kuma xoogana iyaga. Waa inaan wax badan soo bandhigno.”

Kooxda heysata horyaalka Austria ayaana tartantay qeybtii labaad iyagoo ciyaarta barbareeyay oo ka dhigay 3-3 ka hor inta uusan Mohamed Salah riyadooda dilin iyadoo Liverpool ay 4-3 ku badisay.