Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa layaab ku tilmaamay dabbaal-deggii waallida ahaa ee uu sameeyey tababare Mikel Arteta kaddib guushii 3-1 ahayd ee ay Arsenal Axaddii ka gaadhay Liverpool oo marti ugu ahayd garoonka Emirates Stadium.
Kooxda reer London ayaa laba dhibcood kusoo koobtay farqiga dhibcaha hoggaanka lagaga hayo, haddiise laga badin lahaa waxa ay Liverpool ka sarrayn lahayd Gunners siddeed dhibcood, taas oo noqon lahayd wax aanay kasoo kaban karaynin.
Bukayo Saka ayaa furay gool-dhalinta, kaddibna Gabriel Magalhaes ayaa iska dhaliyey gool ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, laakiin qalad ay sameeyeen Van Dijk iyo Alisson ayaa u ogolaaday Gabriel Martinelli inuu hoggaanka usoo celiyo kooxdiisa, ka hor intii aanu waqti dambe goolka saddexaad keenin Leandro Trossard oo ka faa’iidaystay bixitaanka Ibrahima Konate oo casaan lagaga saaray ciyaarta.
Ciyaartoyda Arsenal oo uu ugu horreeyo Martin Odegaard ayaa dabbaal-deg waalli ahaa sameeyey kaddib ciyaarta, isaga oo kaamirada ka qaatay sawir-qaade ku sugnaa Emirates Stadium isla markaana ku sawiray, halka tababare Mikel Arteta uu orod garoonka dhaxdiisa ah sameeyey isaga oo qaylinaya.
Rio Ferdinand oo ka hadlay dabbaal-degyada Arteta iyo ciyaartoydiisa, ayaa yidhi: “Waxaaban u maleeyey in ay horyaalka ku guuleysteen markii aan arkay sida uu Arteta u dabbaal-degayey.
“Tababaruhu waxa uu isku qaban waayey debnaha, waxa uu qaaday 10,000 taallaabo oo garoonka dhaxdiisa ah isaga oo qaylinaya kaddib markii ay guuleysteen. Maxay ka dhigan tahay taasi?”
Ferdinand oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Maya, maya, maya, maya. Anigu waxa aan dareemayaa in dabbaal-deggu aanu u dhigmin guusha ay gaadheen ciyaartan, waxay ahayd dabbaal-degyada la sameeyo marka horyaalka lagu guuleysto.
“Miyeydaan waligiin hore uga badinin Liverpool? Miyaydaan ka walwalayn Man City oo waliba laba ciyaarood baaqi u yihiin?”