Haaland → Chelsea, Mustafi → Barcelona: Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Maanta Oo Khamiis Ah

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmaya bisha January ee foodda inagu soo haysa iyadoo kooxaha kubada cagta Yurub ay isku diyaarinayaan inay soo iibsadaan ciyaartoy ay ku sii adkeeyaan kooxahooda, halka kuwa kale ay isku diyaarinayaan heshiisyadii ay sameyn lahaayeen xagaaga soo socda.

Advertisements

Hadaba waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada Yurub maanta oo Khamiis ah.

Chlelsea ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Borussia Dortmund iyo xulka Norway Erling Haaland oo 20 sanno jir ah laakiin Manchester City ayaa isku aragta inay yihiin kuwa ugu cadcad saxiixiisa. (90min)

Rajadii ay Manchester United ka qabtay saxiixa Haaland ayaa wiiqmi karta sababtoo ah xiriirka kala dhaxeeya wakiilkiisa Mino Raiola, taasoo la micno ah in xiddiga Everton iyo England Dominic Calvert-Lewin oo 23 sanno jir ah uu bedeli karo xiisahooda Haaland. (Daily Mirror)

Advertisements

Chelsea ayaa dooneysa inay lacag u diyaarsato saxiixa Haaland iyo xiddiga West Ham Declan Rice iyagoo iibinaya todoba ciyaaryahan oo kala ah: Ross Barkley, Marcos Alonso, Antonio Rudiger, Andreas Christensen, Jorginho, Danny Drinkwater iyo Victor Moses. (Sky Sports)

Paris St-Germain ayaa isha la raaceysa saxiixa Rudiger iyadoo daafaca uu boos joogta ah ka weysan yahay kooxda Stamford Bridge ka dhisan. (Le Parisien)

Liverpool ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca Real Madrid iyo Brazil Eder Militao oo 22 sanno jri ah halka xiddiga xorta ah ee reer Argentina Ezequil Garay oo 34 sanno jir ah uu isna ku biiri karo kooxda Jurgen Klopp. (Todofichajes)

Liverpool ayaa sidoo kale ku dhow saxiixa daafaca Celta Vigo Stefan Bajcetic oo 16 sanno jir ah iyagoo ka hoos xadaya Manchester United, inkastoo haddii heshiisla la dhameystiray ay qasab tahay in la dhameystiro ka hor inta aysan dhaqan gelin sharciyada cusub ee Brexit 1da bisha Janaayo. (Liverpool Echo)

Mikel Arteta iyo Arsenal ayaa xiiseynaya saxiixa weeraryahanka Real Madrid Vinicius Jr oo ay amaah ku doonayaan bishaan Janaayo, laakiin waxay go’aan ku gaareen inaysan u dhaqaaqin xiddiga kale ee Los Blancos Isco kaasoo ku dhow inuu u wareego Juventus. (Daily Star)

Barcelona ayaa wadahadalo kula jirta saxiixa daafaca Jarmalka iyo Arsenal Shkodran Mustafi oo 28 sanno jir ah kaasoo xor noqonaya marka uu dhaco qandaraaskiisa Emirates Stadium xagaaga. (Spox)

Tababaraha kooxda Derby County Wayne Rooney ayaa doonaya inuu saxiixiisa ugu horeeya ka dhigto daafaca Manchester United Phil Jones oo 28 sanno jir ah inkastoo uu tartan kala kulmayo West Brom iyo Burnley. (Metro)

Manchester United ayaa ku garaaceysa kooxaha RB Leipzig iyo AC Milan saxiixa 19 jirka kooxda Independiente del Valle iyo Ecuador Moises Caicedo iyagoo kula wareegaya 4.5 milyan ginni. (Daily Mail)

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*