Guushii Manchester City Ee Xalay Oo Su’aalo Laga Keenay

Advertisements

Manchester City waxay xalay guul 1-0 ah ka gaadhay Brighton iyadoo uu dhamaadka qaybtii hore goolkaas u saxeexay Phil Foden, Raheem Sterling uu daqiiqadihii ugu dambeeyey khasaariyey rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Guushan ayaa Man City ay kusoo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka iyadoo hal dhibic kaliya ka hoosaysa Liverpool, isla markaana ay baaqi u tahay hal ciyaar oo kale, taas oo siin karta fursad ay kaalinta labaad kagala wareegaan Reds.

Sidaas oo ay tahay, guushan Manchester City ayaa su’aalo ka dhasheen sababtoo ah, goolka uu dhaliyey Foden waxa ka horreysay dhacdo dhex-martay difaaca City ee Ruben Dias iyo Percy Tau.

Kubadda City ee kasoo bilaabantay Ruben Dias ayaa ku dhamaatay Foden oo goolka saxeexay, laakiin goolkaasi waxa ka horreeyey qalad uu difaacani ku galay Tau.

Garsoorihii hore ee Premier League ee Peter Walton oo ka hadlayey ciyaartan ayaa sheegay in Ruben Dias uu qalad ku galay Tau, ayna ahayd in qaladkaas lagu qaado Man City halkii looga ogolaaday inay ciyaarta sii wataan, balse VAR oo qaladka iskeed u fiirisay ayaa garsoore Darren England aan kula talinin inuu goolka meesha uga saaro qaladka dhacay.

Walton oo ka hadlayay telefishanka BT Sports oo uu falanqeeye ka ahaa xalay ayaa yidhi: “Shaqooyinka VAR waxa ka mid ah inay hubiyaan in aanay waxba dhicin ka hor goolka, taas oo ay ugu yeedhaan ciyaarta lagu soo dhisay weerarka.

“Sida aynu arki karayno, Dias wuxuu riday Tau, waxaana jiray taabasho, miyuu se kubadda gaadhay? Waa arrin muran ku jiro.”

Garsoorahan hore waxa kale oo uu tilmaamay in qaladaad cadcad ay samaynayso VAR, isagoo tusaale usoo qaatay kaadhkii digniinta ahaa ee la siiyey Luke Shaw ciyaartii Manchester United iyo Burnsley oo laacibkan oo u qalmayay in la siiyo kaadh cas oo toos ah, haddana lagu abaal-mariyey kaadh digniin ah iyadoo waliba qaladkiisa laga soo daawaday VAR.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*