Guardiola, Klopp Illaa Jose Mourinho – Mushaharka Tababareyaasha Premier League Oo La Shaaciyey Kaddib Heshiiskii Cusbaa Ee Pep U Saxeexay Man City

Advertisements

Pep Guardiola oo heshiis cusub qalinka ugu duugay Manchester Usbuucan ayaa noqday tababaraha dunida oo dhan ugu mushaharka badan, waxaanu xataa kasii sarreeyaa ciyaaryahannada ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.

Tababaraha reer Spain ayaa saxeexay heshiis cusub oo laba sannadood ah, kuwaas oo uu usii dheerayn doona cimrigiisa Etihad Stadium ee uu sannadkiisii afraad u dhamaanayo.

20ka tababare ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League ayaanay layaab badan ka muuqanin, waxaana sida uu qof walba qiyaasayo safka hore iskugu urursaday tababareyaasha waaweyn.

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa kaalinta labaad ku jira oo waxyar ka sarreeya Jose Mourinho oo saddexaad fadhiya, balse Frank Lampard oo Chelsea ah ayaa iska soo xaadiriyey booska shanaad, waxaanu ku xigaa Carlo Ancelotti oo afraad fadhiya.

Pep Guardiola ayaa mushaharka uu toddobaadkii u xaadiraa uu sare u kac weyni ku yimid, waxaana qandaraaskiisan cusub uu ku qaadanayaa mushahar dhan £417,500 Gini toddobaadkii, waxaanu in badan ka sarreeyaa Jurgen Klopp oo isaguna toddobaadkii u xaadira mushahar dhan £313,500 Gini.

Jose Mourinho ayaan wax badan ka hoosaynin Jurgen Klopp, waxaana kaliya u dhexeeya farqi 500 Gini ah usbuucii, iyadoo uu tababaraha reer Portugal qaato mushahar dhan £313,000 Toddobaadkii.

Halkan kaga bogo mushaharka tababareyaasha Premier League:

20. Chris Wilder – £14,000 – Toddobaadkii

19. Slaven Bilic – £17,700 – Toddobaadkii

=17. Ralph Hasenhüttl – £21,000 – Toddobaadkii

=17. Graham Potter – £21,000 – Toddobaadkii

16. Dean Smith – £31,250 – Toddobaadkii

15. Sean Dyche – £50,000 – Toddobaadkii

14. Steve Bruce – £57,000 – Toddobaadkii

13. David Moyes – £62,500 – Toddobaadkii

12. Scott Parker – £73,000 – Toddobaadkii

11. Nuno Espírito Santo – £85,000 – Toddobaadkii

10. Roy Hodgson – £93,750 – Toddobaadkii

=8. Brendan Rodgers – £105,000 – Toddobaadkii

=8. Mikel Arteta – £105,000 – Toddobaadkii

7. Ole Gunnar Solskjær – £160,000 – Toddobaadkii

6. Marcelo Bielsa – £166,660 – Toddobaadkii

5. Frank Lampard – £166,850 – Toddobaadkii

4. Carlo Ancelotti – £230,000 – Toddobaadkii

3. Jose Mourinho – £313,000 – Toddobaadkii

2. Jurgen Klopp – £313,500 – Toddobaadkii

1. Pep Guardiola – £417,500 – Toddobaadkii

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*