Goorma Ayey Virgil van Dijk, Joe Gomez Iyo Joel Matip Kusoo Laabanayaan Garoomada?

Jurgen Klopp ayaa xogtii ugu dambaysay ka bixiyey dhaawacyada Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip oo ah laacibiinta ay u jabtay kooxdiisu.

Advertisements

Virgil van Dijk oo ah laacibka sida weyn ay u tabtay Liverpool ayaa dhaawacmay bishii October iyadoo horyaalku socday muddo bil ah, waxaana laba toddobaad kaddib ka daba tegay Joe Gomez, hase yeeshee labadan ciyaartoy ayaan ku jirin xisaabta kooxdooda illaa inta laga gaadhayo xagaaga oo ay ciyaaraha saaxiibtinimo diyaar u noqon doonaan.

Tababare Jurgen Klopp oo ka hadlay dhaawacyada ciyaartoydan ayaa waddamadooda Netherlands iyo England u sheegay in aanay ku talo-gelin in ay difaacyadan heli doonaan ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2020 maadaama aanay soo kaban karin illaa laga gaadhayo bisha July ee sannadkan.

Difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk ayay Liverpool bishii February ku dartay liiska ciyaartoydeeda Champions League ee wareegyada isreeb-reebka, laakiin waxay u muuqataa in filashii Reds ay ku dhamaanayso quus, iyadoo uu hadda tababare Klopp sheegay in ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka cusub uu soo laaban doono.

Advertisements

Jurgen Klopp oo ka hadlayay xiddigihiisan ayaa yihdi: “Dhamaanteen waxaynu rajaynaynaa in Van Dijk iyo Joe Gomez ay diyaar u noqdaan ciyaaraha saaxiibtinimo ee aanu iskugu diyaarinayno xilli ciyaareedka dambe. Taas ayaa ah waxa aanu rajaynayno.

“Laakiin ma illoobayno in dhaawacyadani ay ahaayeen kuwo halis ah. Labadan ciyaartoy ayaa¬† u muuqda inay ka wanaagsan yihiin jOel, sababtoo ah isagu wali ma bilaabin tababarka.

“Joe wuxuu bilaabayaa inuu ordo, Virgil isagu mar hore ayuu orodka bilaabay laakiin dhab ahaantii dhaawacani wuu adag yahay. Farxad ayaanu dayaxa dushiisa tegaynaa haddii ay diyaar u noqdaan tababarka oo ay u diyaargarowga xilli ciyaareedka dambe qayb ka noqdaan.”

Jurgen Klopp ayaa la weydiiyey haddii labadan ciyaartoy ay ka qayb-geli karaan tartanka Euro 2020 oo ay u kala ciyaari karaan Netherlands iyo England, waxaanu ku jawaabay: “Ilama aha in ay taasi suurtogal tahay. Goorma ayaad soo laabanaysaa ee aad awoodaysaa inaad ciyaarto Euro, ma toddobaadka ka horreeya mise maalinta uu bilaabmayo? Anigu ma garanayo.

“Waxa aan fahamsanahay inay jirto baahidaasi laakiin ma samayn karo go’aankan, mana samayn doono. Kaliya waxay ku xidhan tahay marka ay taam noqdaan.”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*