Goolhayihii Ugu Fiicnaa SHANTA Horyaal Ee Yurub Ugu Waaweyn 2019 Oo La Doortay – De Gea, Alisson, Ederson, Oblak & Ter Stegen Oo Dhammaantood Laga Guuleystay.

Advertisements

Shabakadda caanka ah ee WhoScored.com oo ah mid ku xeel dheer xor ururinta horyaalada shanta ah ee ugu waaweyn Yurub ayaa haatan shaacisay goolhayihii ugu wanaagsanaa horyaaladaas sanadkan 2019.

Dabcan waxa markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya goolhayayasha wakhti xaadirkan ugu wanaagsan tusaale ahaan Alisson Becker, Ederson Moraes, David De Gea, Thibaut Courtois, Ter Stegen, Jan Oblak & Hugo Llorin balse dhammaantood way seegeen guushan.

Shaqsiga guuleystaha ay ayaa ah da’yarka mustaqbalka weyn leh ee Gianluigi Donnarumma oo ka tirsan AC Milan ayaa ah xiddiga la doortay marka loo eego boqoleyda badbaadinta ah ee uu soo sameeyay.

Donnarumma ayaa haysta boqoley dhan 81.9% oo badbaadin ah kubaddihii uu wajahay waana sababta ay shabakaddani ugu aragto goolhayihii ugu isku halaynta badnaa sanadkan.

Waxa booska labaad soo galay Jan Oblak oo isagu sanadihii ugu dambeeyay oo dhan kusoo guuleysanayay abaalmarinta gacanta dahabka ah ee horyaalka La Liga waxaana uu sanadkan 2019 haystaa gool badbaadin boqoleydeedu tahay 81.2%.

Advertisements

Booska saddexaad ayuu soo galay goolhayihii hore ee kooxda Paris Saint-Germain haatana ka tirsan kooxda ree Talyaani ee Torino ee Salvatore Sirigu oo haysta boqoley badbaadin ah oo dhan 79.2%.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Xogta Iyo Rikoorada Laga Diiwaangeliyay Kulankii Ay Man City Maanta Xasuuqday Watford - Aguero Oo Jabiyay Rikoorkii Wayne Rooney

Dabcan xogtan ayaa ah mid cajiib u ah goolhaye Gigi Donnarumma gaar ahaan marka loo eego inuu kaliya yahay 20 sano jir waana wanaag kale oo uu da’yaraan ku gaadhay maadaama oo uu hore isagoo kaliya 16 sano jir ah AC Milan usoo matalay.

Comments are closed.