Kiko Casilla Oo Loo Heysto Inuu Cunsuriyeeyay Ciyaaryahan Madow Ah Iyo FA-ga Oo 12 Kulan Ganaaxi Kara

Advertisements

Goolhayaha Leeds Kiko Casilla ayaa lagu eedeeyay inuu cunsuriyeeyay weeraryahanka Charlton Jonathan Leko sida uu xaqiijiyay xriiirka kubada cagta Ingariiska.

Waxaa lagu eedeeyay goolhayaha reer Spain inuu hadalo aflagaado ah ku yiri Leko markii ay labada kooxood kulmeen 28kii September kulan ka tirsanaa horyaalka heerka labaad ee Ingariis.

Waxaana ay arintaan jabineysaa sharciga Rule E3(1) iyadoo Casilla lagu eedeeyay inuu isticmaalay ereyo aflagaado xad ka bax ah.

Ereyada uu isticmaalay waxaa la sheegay inaan xiriir la yihiin isirka, midiba ama halka uu ka soo jeedo ciyaaryahanka.

33 jirkaan ayaa heysta ilaa iyo 12ka November inuu kaga jawaab celiyo eedeynta loo heysto.

Haddii danbiga lagu helo waxaa goolhayihii hore ee Real Madrid lagu ganaaxi doonaa 12 kulan.

Waxay u badan tahay inuu racfaan ka qaadan doono iyadoo warbixin ay soo saartay Leeds United ay ku xaqiijisay in Casilla uu si xoogan u beeniyay inuu cunsuriyeeyay Leko.

Casilla ayaa u sii ciyaari kara ilaa iyo inta laga gaaray xukunka kiiskiisa.

Garsoore John Brooks ayaa maqlay wixii uu Casilla ku hadlay maalintaas isagoo durbadiiba u gudbiyay FA-ga kuwaasoo bilaabay baaritaankooda.

Advertisements

Qof akhriya dibnaha iyo tarjubaan Isbaanish ah ayaa la isticmaalay si loo ogaado hadalkii lagu yiri 20 jirka Leko.

Haddii Casilla lagu ganaaxo 12 kulan ma ciyaari doono ilaa iyo bartamaha bisha Janaayo.

Comments are closed.