Goolhaye La Liga Ka Ciyaara Oo Loo Xilsaaray Inuu Ilaaliyo Santuuqyada Doorashooyinka Spain Xilli Kooxdiisa Aysan Heli Karin Badalkiisa.

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Levente ayaa dulmane u noqon doonta dowladda Spain kadib markii goolhayahooda Aitor Fernandez looga yeeray inuu shaqo qaran ka qabto doorashooyinka guud ee Spain oo isbuucaan dhacaya, waxeyna sheekadaan timid xilli ay Axadda la ciyaari doonaan kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Doorashooyinka guud ee Spain ayaa la qaban doonaa isbuuca soo socda bilowgiisa, 28-jirkaan ayana looga yeeray inuu shaqo qaran qabto, wuxuuna la shaqeyn doonaa booliiska deegaanka si ay suurtagal u noqoto in si xasiloon ay doorashada uga dhacdo goobta loo xilsaaray, waxeyna sheekadaan kusoo aadeysaa xilli saaxiibadiisa ay isku diyaarinayaan safar ay ku aadayaan garoonka San Mames.

Sheekada murugada leh waxey tahay in kooxda Levante aysan heli karin badalkiisa maadaama uu ka dhaawacan yahay goolhayaha Oier Olazabal, tababare Paco Lopez ayaana qiray inuu hadda ku hawlan yahay siduu uu da’yarta uga soo heli lahaa goolhayaha badali lahaa, walow wargeyska AS uu ka dhawaajiyay iney qareen u qaban doonaan.

Si kastaba lama oga hadii kooxda reer Spain ay fasax u heli doonto xiddigooda muhiimka ah, waxeyna sugi doonaan ilaa jimcaha hadii loo ogolaado inuu raaco iyo hadii loo diido uu shaqadiisa qaranka qaban doono maalmaha sabtida iyo axadda.

Fernandez wuxuu kasoo muuqday 12-ka kulan ee fasalkaan ay kooxda ciyaartay La Liga, waxaana lagu xasuustaa inuu dadaal badan sameeyay kulankii ay isbuucaan 3-1 ku dubteen Barcelona.

Hadii Levente loo diido iney wataan Aitor Fernandez, waxaa laga yaabaa in looga waco kooxda koowaad Dani Cardenas kaas oo kulankiisii ugu horreeyay ee kooxdiisa darajada sare kasoo muuqan doona.

Advertisements

22-jirka da’da yar ayaa horay uga soo muuqday kooxda heerka labaad ee Levente, wuxuuna fasalkaan kasoo muuqday 7-ciyaarood.

Levente waxey ku jirtaa kaalinta 11-aad ee La Liga, 3-dhibcood ayeyna u jiraan booska yurub.

Comments are closed.