Goolhayaha Juventus Gigi Buffon Oo La Ciqaabay Ka Dib Markii Uu Aflagaadeeyay Ilaaheey

Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa laga ganaaxay kulana Turin Derbyu ka dib markii lagu danbi ah inuu Ilaaheey aflagaadeeyay.

Advertisements

Goolhayaha 43 sanno jir ah ayaa ku falkaan ku kacay kulan ay ka horimaanayeen kooxdiisii ugu horeysay Parma bishii December.

Buffon ayaa la maqlay isagoo canaan aflagaado ah dusha u saarinaya daaficiisa Manolo Portanova ka dib markii Parma ay sigeen goolkiisa kulan horyaalka Serie A ka tirsanaa.

Wuxuu ku qeyliyay: “Porta waxaan doonayaa inaan arko adigoo ordaya una rafaadaya sida eeyga, wixii ka soo haray waxba igama gelin” laakiin qeyladaas waxaa ku dhex jirtay ereyo aflagaado ah oo uu Ilaaheey ku tilmaamo eey.

Advertisements

Madaama aysan taageerayaal ku jirin garoonka sababo la xiriira Korona Fayras, aflagaadadiisa waxaa qabatay mikrafoonka dhinac yaalay garoonka.

Wuxuu isticmaalay erey mamnuuc ka ah dalka Talyaaniga oo luqada Talyaaniga ku ah ‘dio cane’. iyadoo dio luqada Talyaaniga lagu yiraahdo Ilaah halka cane lagu yiraahdo eey

Waxayna taasi ka soo horjeedaa sharciga Talyaaniga ee Ilaah aflagaadeynta taasoo lagu muteysto ciqaab.

Sida sharciga Talyaaniga qabo qofkii adeegsado aflagaado sidaas oo kale ah waxaa la ganaaxa aa lacag laakiin xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa ku amray xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka inuu bixiyo ganaax lacageed oo 5 kun euro ah iyo sidoo kale inuu hal kulan ganaax ku maqnaado.

Juventus ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka laakiin niyadjab ayay shalay kala kulmeen iyadoo FIGC ay xaqiijisay inuu ganaaxa taagan yahay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*