GOLDEN BOOT: Halkee La Kala Marayaa Tartanka Kabta Dahabka Yurub?

Advertisements

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa sii wata qaab ciyaareedka fiican ee uu ku bilowday xilli ciyaareedka isagoo kaalinta labaad ka soo galay tartanka kabta dahabka Yurub ee European Golden Shoe.

Weeraryahanka reer Poland ayaa 11 gool ka dhaliyay horyaalka Bundesliga todobo kulan uu saftay xilli ciyaareedkan isagoo goolkiisii ugu danbeeyay ka dhaliyay Hoffenhiem oo ay 2-1 kaga badiyeen Sabtidii kulankii ka dhacay Allainz Arena.

Dhanka kale Tammy Abraham ayaa dhaliyay goolkiisii 8aad ee Premier League kulankii ay Chelsea 4-1 kaga badisay Southampton. 

Horyaalka Talyaaniga Ciro Immobile ayaa todoba gool ku hogaaminaya isagoo dhaliyay labada gool ee kulankii ay kooxdiisa Lazio barbaraha 2-2 la gashay Bologna.

Advertisements

Kala Sareynta Tartanka European Golden Boot

Sharciyada: UEFA ayaa qiimeyn ku sameysay dhamaan horyaalada Yurub waxaana qiimeynta ay u dhaxeysaa hal  iyo labo. Tirada goolasha ayaa lagu dhufanayaa qiimaha horyaal walba la siiyay taasoo soo saareysa dhibcaha ugu danbeeya ee lagu kala sareeyo.

Tusaale: Erik Sarga ayaa hogaaminaya tartanka isagoo dhaliyay 27 gool xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu heystaa kaliya 27 dhibcood madaama horyaalka Estonia lagu qiimeeyay goolkiiba hal dhibic laakiin Robert Lewandowski oo 11 gool leh ayaa heysta 22 dhibcood madaama Bundesliga lagu qiimeeyay goolkiiba inuu u dhigmo 2 dhibic.