GO’AAN: Manchester United Oo Go’aan Ka Gaadhay Kabtan Harry Maguire Oo Khatar Ugu Jira Inuu Seego Kulanka Liverpool

Advertisements

Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay kabtankeeda Harry Maguire oo khatar ugu jira inuu seego ciyaarta adag ee Liverpool ay ku ballsan yihiin Axadda soo socota, taas oo uu ka maqnaan doono haddii uu kaadh digniin ah qaato ciyaarta caawa ay martida ugu yihiin Burnley.

Harry Maguire oo ay da’diisu tahay 27 jir ayaa hal kaadh u jira in shantii kaadh ee uu ganaaxa ku mutaysan lahaa ay u buuxsamaan, waxaana haddii uu caawa kaadh digniin ah kusoo qaato Turf Moor uu ka maqnaan doonaa ciyaarta Liverpool ay ugu tegayaan Anfield.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayay qasab ku noqotay inuu go’aan ka gaadho laacibkiisan, waxaanu ka badheedhay sida uu yeelayo oo ahayd inuu kala doorto inuu nasiyo Maguire kulanka Burnley ee caawa iyo inuu khatarta u badheedho oo uu ciyaarsiiyo.

Laacibkan £80 milyan ee Gini ay Manchester United kusoo iibsatay ayuu Ole Gunnar Solskjaer go’aamiyey in aanu nasinin ciyaarta Burnley oo uu ciyaaro, taas oo khatar ku ah inuu seego kulanka muhiimka ah ee Anfield.

“Harry wuu ciyaarayaa, waana hubaal.” Ayuu yidhi Solskjaer oo warbaahinta la hadlayay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Haddii aanu xanuunsanin, kaliya iskama qaadan kartid saddex dhibcood adigoo aan indhaha ku haynin kulanka kan xiga.”

Manchester United ayaa hoggaanka horyaalka Premier League qaban doonta haddii ay Burley ka badiso caawa, waxaanay Anfield tegi doontaa iyadoo saddex dhibcood oo nadiif ah haysata.

Manchester United ayay ugu dambaysay inay hoggaanka horyaalka qabato iyadoo lagu jiro bisha January sannadkii 2013kii oo ahayd markii ugu dambaysay ee ay ku guuleysteen horyaalka Premier League, waxaanay hadda ku riyoonayaan inay mar kale qaadi doonaan horyaalka maadaama ay hoggaanka la wareegeen xilli lagu jiro bisha January.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*