GO’AAN: Lionel Messi Oo Ku Wargeliyey Barcelona Inuu Ka Tegayo, Waqtiga Oo Uu U Sheegay Iyo Go’aanka Uu U Dhiibay Oo La Ogaaday

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa madaxa lasii gelaysa qalalaase iyo dhibaato hor leh oo la bilaabantay xilli ciyaareedkan, taas oo keentay in shaqada laga caydhiyo tababare Ernesto Valverde dhamaadka bishii December, laakiin intaas kuma ekaanin e waxay wali u muuqataa in mushkiladda haysata ay ka badan tahay macallin la beddelo.

Kulankii koowaad ee tababaraha cusub ee Setien uu hoggaamiyey, waxay Barcelona 1-0 darqi ah kaga adkaatay Granada oo marti u ahayd oo waliba hal ciyaartoy kaadh cas laga siiyey, waxaana goolkaas madiga ah dhaliyey Lionel Messi oo tubta guusha kusoo celiyey iyadoo ay hore uga soo adkaatay Atletico Madrid oo 2-1 ku garaacday kulan ka tirsanaa semi-finalka Spanish Super Cup oo ka dhacay Saudi Arabia.

Ciyaartii xigtay, waxay ahayd Copa del Rey oo laba gool oo ay ku raafaadeen ay kaga soo gudbeen kooxda yar ee Ibiza oo iyaduna hal gool la timid, hase yeeshee shalay ayay guul-darrooyinkii kusoo laabteen, waxaana 2-0 ku karbaashtay Valencia oo garoonkeeda ku martigelisay.

Barcelona oo uu dhaawaca kaga maqan yahay Luis Suarez oo la filayo in aanu soo laabanin inta ka hadhay xili icyaareedkan, waxa wali aan kaalintiisii qaadanin Antoine Griezmann oo aan si fiican ula qabsanin naadiga, waxaanay taasi keentay in dhaliyaha kaliya ee ay haystaan uu noqdo Lionel Messi.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa waddanka Spain, Lionel Messi ayaa u sheegay masuuliyiinta kooxdiisa in uu go’aan ku gaadhay in dhamaadka xili ciyaareedka uu iskaga tago kooxda uu cimrigiisa oo dhan usoo ciyaarayey xilli ay da’diisu noqonayso 33 jir.

Laacibka reer Argentine waxa uu u sheegay Madaxweynaha Barcelona in kooxdu ay hoos usii socoto oo ay u baahan tahay in isbeddel badan oo horumarineed lagu sameeyo si ay ugu tartanto LaLiga iyo Champions League.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Messi uu ku wargeliyey Bartomeu in uu ka tegi doono naadiga haddii aan la keenin ciyaartooyo wanaagsan oo horumariya heerkeeda ciyaareed oo uu dareensan  yahay in isaga kalidii uu culays badan saaran yahay.

Advertisements

Don Balon waxa kale oo uu tilmaamay saddex meelood oo u calaamadsan Lionel Messi oo uu midkood tegi doono haddii uu ka dhaqaaqo Barcelona, waxaana doorashadiisa koowaad ay tahay inuu ku laabto waddankiisa Argentina, in uu la midoobo macallinkiisii hore ee Pep Guardiola oo uu Manchester City ugu tago iyo dookha saddexaad oo ah inuu ka dego waddanka Maraykanka oo uu ku biiro kooxda David Beckham ee Inter Miami.

Si kastaba ha ahaatee, warkan ayaa kusoo beegmay xilli ay Barcelona la murugaysan tahay guul-darradii ay kala kulmeen Valencia, taas oo la arkayey in Leo uu ahaa laacibka kaliya ee Barcelona ah ee nafta u hurayey sidii ay u guuleysan lahaayeen.

Comments are closed.