GO’AAN: Difaacii Arsenal Raadinaysay Ee Dayot Upamecano Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Iyo Barcelona Oo Gunners Ku Cidhiidhinaysa Laacibkan

Advertisements

Difaaca ay raadinayso kooxda kubadda cagta Arsenal ee Dayot Upamecano ayaa ku wargeliyey kooxdiisa RB Leipzing go’aan uu ka gaadhay mustaqbalkiisa iyo horyaalka Bundesliga, waxaanu si cad ugu sheegay inuu kooxdiisa inuu diyaar u yahay inuu xagaaga ka tago Jarmalka.

21 jirkan tayadiisa difaac ay soo jiidatay kooxaha badan, waxa si weyn loola xidhiidhinayaa Arsenal oo la sheegay inay ka dhigan doonto bartilmaameedkeeda marka uu suuqa furmo, hase yeeshee lacagta ay RB Leipzing ku doonayso inay ku iibiso laacibkan, ayaa xoogaa madax-xanuun ku ah Gunners, taas oo dhan 60 milyan oo Euro.

Laacibkan Faransiiska ah oo RB Leipzing ay sannadkii 2017 kala soo wareegtay kooxda ay mataanaha yihiin ee Red Bull Salzburg, ayaa heshiiska uu kula jiro kooxda Jarmalka ah waxa uu ku egyahay badhtamaha sannadka 2021, waxaanay taasi fursad siinaysaa Mikel Arteta oo ku riixi karaya inay ka iibiyaan xagaagan, si aanu bilaash ugaga bixin badhtamaha sannadka dambe.

Sida uu qoray wargeyska Sports Bild ee kasoo baxa Jarmalka, Dayot Upamecano waxa uu dhowaan u sheegay masuuliyiinta RB Leipzing in aanu heshiis dambe u saxeexi doonin oo kaliya uu doonayo inuu tago xagaagan.

Advertisements

Dhinaca kale, kooxda Barcelona ayaa la sheegay inay kusoo biirtay tartanka ciyaartoygan, ayna isku deyi doonto inay ku garaacdo Arsenal.

Barcelona oo uu hawl-gab kaga dhow yahay Gerard Pique, sidoo kalena ay dhaawacyo daashadeen Samuel Umtiti oo sidoo kalena ay saluug ka muujinayaan bandhiggiisa iyo isfahamka ka dhexeeya Lenglet, ayaa u aragta inuu yahay xiddig ku habboon inuu khadkeeda dambe ka ciyaaro sannadaha soo socda.

Comments are closed.