Gerard Pique Oo Jawaab Qosol Leh Ka Bixiyay Markii La Weydiiyay Inuu Waligiis Xirtay Maaliyadda Kooxda Real Madrid.

Advertisements

Gerard Pique ayaa si qosol leh uga jawaabay su’aal la weydiiyay mar uu fadhiyay mid ka mid ah TV-yada wadanka Spain, waxaana ku wehliyay halyeeygii hore ciyaaraha Tennis-ka David Ferrer, labadaan shaqsi ayaana ka hadlayay tartanka cusub ee Davies Cup.

Gerard Pique wuxuu marti ku ahaa barnaamijka caanka ah ee (El Hormiguero) wuxuuna ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya mihnadiisa kubadda cagta iyo tartanka uu isaga agaasimayo ee Davies Cup, kaas oo ah tartankii ugu horreeyay uu masuul ka noqdo.

Intii barnaamijka lagu jiray wuxuu la kaftamay kabtanka Real Betis Joaquin, wuxuuna qiray inuu ciyaarista Tennis-ka kaga wanaagsan yahay, sidoo kalana waxaa la weydiiyay su’aal aheyd – hadii uu waligiis xirtay maaliyadda Real Madrid.

Gerard Pique waa shaqsiga ugu badan ee saxaafadda lahadlay marka laga hadlo kooxdiisa, waana shaqsiga ay ugu neceb yahiin jamaahiirta Real Madrid.

Advertisements

Madaxweynaha mustaqbalka ee kooxda Balaugrana wuxuu qiray inuu xasaasiyad ka qaado sidaas darteed uusan waligiis xiran.

“Maya waligey ma xiran, sababtoo ah xasaasiyad” ayuu u sheegay wariyaha daadihinayay barnaamijka.