Gary Neville Oo Wax Ka Falanqeynaya Kulanka Anfield Ayaa Duray Pep Guardiola Kadib Saddexda Gool Ee Looga Hormaray.

Advertisements

Halyeeygii hore Man United Gary Neville ayaa ka mid ah dadka wax ka falanqeynaya kulanka weyn ee ka soconaya Anfield, Liverpool oo gurigeeda joogta ayaana ciyaarta ku hogaamineysa 3-0.

Fabinho, Mane Iyo Salah ayaa kala dhaliyay goolasha labada qeyb ee ciyaarta, wiilasha Guardiola ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed liita oo dhanka daafaca ah taasoo keentay in Gary Neville uu duro macalinka reer Spain.

Guardiola tan iyo markii uu soo xaadiray horyaalka Premier League wuxuu ku guuleystay horyaalka laba jeer, balse daafaciisa wuxuu ku qarash gareeyay lacag ka badan boosaska kale.

Pep Guardiola wuxuu lasoo wareegay Stones, Walker, Mendy, Laporte, Cancelo, Angelino, Zinchenko kuwaas oo saddex ka mid ah ciyaarta ka qeyb yahiin.

Advertisements

Si kastaba Gary Neville ayaa u sheegay Guardiola inuusan wax marmarsiyo ah heysan, maadaama uu lacag badan ku bixiyay daafaciisa.

“Liverpool waxey sida ugu fiican ula ciyaareysaa koox difaaceeda meel dhexaad yahay, Guardiola in ka badan 150 Malyan oo Pound ayuu ku qarash gareeyay daaaciisa, wax marmarsiyo uma yaalaan. Runta waxey tahay lacag badan ayey ku bixiyeen difaacooda, waana daafacii ugu xumaa oo aan arkayo maanta, waxaan rajeynaya in goolal kale laga dhalin doono”

Comments are closed.