Gary Neville Oo Raaligelin Ka Bixiyay Sidii Xumeyd Ee Uu U Tabiyay Kulankii Ay Man United Ka Badisay Burnley & Sababtii Ka Danbeysay

Advertisements

Gary Neville ayaa Twitter ku soo qoray raaligelin uu ka bixiyay sidii xumeyd ee uu u tabiyay ciyaartii ay Manchester United 1-0 kaga badisay Burnley ee ka dhacday garoonka Turf Moor.

Khabiirka Sky Sports ahna daaficii hore ee Man United ayaa dhinac ka tabinayay kulanka ay Red Devils badisay ee ay ku qabatay hogaanka horyaalka Premier League.

Laakiin Neville ayaa qaladaad isku xig xiga sameeyay intii ay ciyaarta socotay taasoo keentay inuu raaligelin bixiyo.

“Waan idinka raaligelinayaa tabinteydii caawa” ayuu Neville ku soo qoray Twitter.

Ka hor inta uusan qoraalkiisa raacinin: “Soo saare ayaa dhegta iigu sheegayay in kooxdeyda Salford ay goolka guusha dhalisay daqiiqadii 92aad, United iyadana hogaanka horyaalka ayay qabatay! Aad ayaan u faraxsanaa! Waan ka fiicnaan doonaa sidaan Axada.”

Salford waa koox uu Gary Neville ka mid yahay milkiilayaasheeda oo ay wada leeyihiin qaar ka mid ah xiddigii 1992dii u soo wada baxay Manchester United, waxayna ka ciyaaraan horyaalka heerka afaraad ee League Two.

Gary Neville ayaa si qaldan u sharaxay dhowr qalad oo ciyaarta ka dhacay sida kubadii madaxa aheyd ee uu dhaliyay Harry Maguire ee looga diiday inuu qalad ku galay Erik Pieters oo uu ka dul kacay.

Wuxuu sidoo kale si qaldan u sharaxan qaladkii uu Luke Shaw ku galay Johann Berg Gudmundsson ee uu uga badbaaday casaanka.

Dhowr jeer ayuu tilmaamay qaladaad aan meeshaba oolin iyo halis aan taagneyn.

Taageerayaasha Ingariiska ee ciyaarta ka daawanayay Sky Sports ayaa sidoo kale ka carooday qaabka uu Neville u tabinayay ciyaarta ee uu u garabsiinayay kooxdiisa hore iyagoo ku baaqay ciyaarta ka dib in Sky Sports ay ka deyso Neville iyo Carragher inay tabiyaan kulamada Man United iyo Liverpool.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*