Garoonkii Real Madrid Ee Santiago Bernabeu Oo Isku Beddelay Cusbitaal

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu u beddeshay goob lagu ururiyo qalabka gargaarka ee lagula tacaalayo caabuqa Coronavirus, kaas oo dhibaato badan ku haya waddankaas.

Los Blancos oo waqtigan ay ciyaartoygeedu guryahooda ku jiraan maadaama ay ciyaarihii hakad ku jiraan, ayaa waxay heshiis la gashay Golaha Sare ee Ciyaaraha Magaalada, waxaanay isla qaateen in Bernabeu laga dhigo goobta lagu hayo, la isugu keeno, lagana sii qaybiyo agabka loo isticmaalayo ladagaallanka COVID-19 ee gudaha magaalada Madrid.

War-saxaafadeed ay soo saartay, waxay Real Madrid ku caddaysay in garoonkeedii uu noqonayo xarunta laga qaybiyo qalabka caafimaadka, waxaanay jamaahiirta ugu sheegtay inay ku faraxsan tahay la shaqaynta hay’adaha halganka ugu jira sidii ay caabuqa ula dagaallami lahaayeen, garoonkooduna uu u noqonayo goob iyaga u bannaan oo ay adeegsan doonaan.

Waxa kale oo ay kooxdu sheegtay in taakulada lacageed iyo qalab caafimaad ee ay bixinayso ay ku darsanayso, iyadoo sidoo kalena shacabka ku dhaqan Madrid u gudbisay farriimo ay ku dhiirigelinayso inay bixiyaan qaadhaan.

Advertisements

Real Madrid oo noqotay kooxda uu dhibaatada ugu weyn u geystay Coronavirus oo uu ka dilay Madaxweynaheedii hore ee u qaaday laba Champions League sannadihii 1998 iyo 2000, xilliganna ka mid ahaa masuuliyiinta sare, waxay ciyaartoygeedu ku jiraan xaalad karantiil iyadoo uu mid ka mid ah laacibiinteeda kubadda kolaygu u jiifo xanuunkan.

Si kastaba ha ahaatee, waddanka Spain ayaa dhimashooyinkii ugu badnaa toddobaadkan laga diiwaangeliyey, waxaanay dhaafeen tirada dadkii China uu ka dilay Coronavirus.

 

Comments are closed.