GAROON MADHAN! Taageereyaasha Manchester United Oo Samaynaya Mudaharaad Noociisu Cusub Yahay Iyol Old Trafford Oo Haawan Doona

Advertisements

Taageereyaasha Manchester United ayaa usbuuca soo aaddan samayn doona mudaharaad noociisu cusub yahay, kaas oo ay kaga soo horjeedaan mulkiileyaasha naadiga oo si weyn fartu ugu godan tahay kaddib fashilkii ku yimid saxeexa laacibka reer Portugal ee Bruno Fernandes.

Manchester United oo kaalinta shanaad fadhida, ayaa waxay halis ugu jirtaa in kaalinta siddeedaad ama ka hoosaysa ay u dhacdo haddii ay guul ka keeni weydo ciyaarta horyaalka Premier League ay ku martigelin doonto Wolves Sabtida soo socota, iyadoo ay ka sare mari doonaan kooxaha Tottenham, Wolves iyo Sheffield United oo labana ay isku dhibco yihiin midda kalena hal dhibic ka hoosayso.

Ka hor ciyaartan, taageereyaasha Manchester United ayaa abaabulaya mudaharaad ka dhan Guddoomiye ku-xigeenka Ed Woodward iyo mulkiileyaasha reer Glazer, waxaanay la eeganayaan mudaharaadkooda sannad-guuradii kasoo wareegtay masuubadii diyaaradeed ee sannadkii 1958-kii ay ku dhinteen dhamaan ciyaartoygii Manchester United, kaas oo ka dhacay hawada magaalada Munich.

Daqiiqadda 58aad ee ciyaarta February 1 ee garoonka Old Trafford ay iman doonto Wolves ayay taageereyaashu garoonka faaruqin doonaan, waxaana qaybta dambe oo dhan ay kooxdu ciyaari doontaa iyadoo aanay wax taageereyaal Manchester United ah fadhiyin, taas oo noqon doonta markii ugu horreysay ee ay sidaasi ka dhacdo Old Trafford.

Guul-darradii qalbiga jabka ahayd ee Arbacadii ay Manchester United kula kulantay garoonkeeda oo ay kooxda yar ee Burnley 2-0 ku garaacday, waxa Manchester United ay gelisay rikoodhkii ugu xumaa muddo 58 sannadood ah, iyadoo guul-darrooyinkii ugu badnaa ku heshay, taasina waxay keentay in ay taageereyaashu iskaga dareeraan garoonka daqiiqaddii 85aad.

Labada ciyaarood ee FA Cup iyo Carabao Cup ee Tranmere iyo Manchester City ay la ciyaari doonto Axadda berri iyo Arbacada soo socota, waxa taageereyaasha Manchester United ay samayn doonaan mudaharaad ku kooban afka, waxaanay ku dhawaaqi doonaan ereyo ay ku dalbanayaan inay kooxda ka tagaan mulkiileyaasha reer Glazer iyo Ed Woodward.

Advertisements

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa in shaqada laga caydhin doonto si degdeg ah haddii labada ciyaarood ee Tranmere iyo Manchester City uu guul keeni waayo, taas oo haddii ay dhacdo xal u noqon doonta mudaharaadka jamaahiirta inkasta oo waxay doonayaan tahay  in reer Glazer iyo Ed Woodward ay kooxda iskaga tagaan.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa ku jirta xaalad adag oo aan la qiyaasi karin, waxaanay dhibaato ka haysataa dhinaca guulaha, iyadoo kulamada ay guul-darraysatay ka badan yihiin guulaha ay heshay.

 

Comments are closed.