Garoomada Kubada Cagta Ee Ugu Fiican Dunida Oo La Shaaciyay & Koox Ingariis Ah Oo Kaalinta 1aad Gashay

Advertisements

Manchester City ayaa ku guuleysatay koob kale ka dib markii loogu codeeyay garoonka ugu fiican garoomada kubada cagta ee caalamka.

Ra’iyi uruurin la sameeyay ayaa garoonka Manchester City ee Etihad Stadium uu soo galay kaalinta koowaad iyadoo lagu qiimeeyay qiimaha tikidhada, sida garoonka lagu tagi karo, teknooloojiyada garoonka iyo inuu deegaanka u fiican yahay.

Garoonka Etihad oo qaada 55 kun taageerayaal ah ayaa abaalmarinta ku garaacday garoonka Barcelona ee Camp Nou iyadoo garoonka Bayern Munich ee Allainz Arena uu soo galay kaalinta seddexaad.

Garoonka kooxda heysata horyaalka Mareykanka ee Atalanta United ayaa afaraad soo gashay iyadoo garoonka Zenit ee Mercedes-Benz Stadium uu soo galay kaalinta shanaad.

Garoonka ugu fiican ee koox aan kubada cagta ciyaarin waxaa noqday garoonka Fenway Park ee kooxda Boston Red Sox ee ciyaarta Baseball kuwaasoo soo galay kaalinta 9aad.

Garoomada kubada cagta oo qabsaday 10ka garoon ee ugu fiican isboortiga

Laakiin ka hor inta aysan taageerayaasha City farxad la boodboodin waxaa xusid mudan in Footy.com oo daraasadaan sameysay inaysan wada qiimeynin dhamaan garoomada ugu fiican caalamka.

Waxay kaliya qiimeeyeen 16 garoon oo ay leeyihiin 16 kooxood oo ku guuleystay tartamadii ay ku jireen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay..

Advertisements

City ayaa tartanka ku soo gashay inay ku guuleysatay premier League laakiin garoonka cusub ee Tottenham Old Trafford ama Anfield laguma darin qiimeynta.

Si la mid ah laguma darin qiimeynta garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabey iyo garoonka MetLife Stadium ee New York ama MCG oo ku yaala Melbourne, Australia.