Gareth Southgate Oo Sharraxay Sababta Layaabka Leh Ee Uu Alexander-Arnold Uga Reebay Xulka Qaranka England

Tababare Gareth Southgate ayaa xulka qaranka England ka reebay difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold iyadoo uu ku dooday in laacibkan ay ciyaartiisu hoos u dhacday oo aanu taagnayn heerkii sannadihii hore.

Advertisements

Trent Alexander-Arnold ayaa laga dhex-waayey xiddigaha xulka England ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 ee dhamaadka bishan ay la ciyaarayaan saddexda dal ee San Marino, Albania iyo Poland.

Advertisements

Laacibkan oo lgu tilmaamo ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka Premier League ayaa kooxdiisa la wadaagay bandhigga niyad-jabka ah iyo guul-darrooyinka iyadoo uu isaguna qayb ka yahay ciyaartoyda loo aanaynayo in ay lumiyeen heerkii wanaagsanaa ee ciyaaareed.

Tababare Gareth Southgate ayaa  kaddib markii uu dhaawaciyey liiska ciyaartoydiisa xulka qaranka England, waxa la weydiiyey sababta uu Trent Alexander-Arnold ugu soo dari waayey kooxdiisa, waxaana uu ku tilmaamay sabab la xidhiidha bandhiggiisa liita ee uu garoomada ka muujinayo, waxaanu yidhi: “Ilama aha inuu ku ciyaarayo heerkii uu ku jiray sannadihii yaraa ee u dambeeyey.

“Wuxuu leeyahay hibo ciyaareed oo weyn, waxaanan hubaa inuu qayb weyn ka noqon doono xulka qaranka England ee mustaqbalka.”

Inkasta oo uu 22 jirkani qaab xun ku jiray xilli ciyaareedkan, haddana kulankii Isniintii ee Wolves ayuu soo bandhigay ciyaarihii lagu yaqaanay, laakiin Gareth Southgate ayaa ka doorbiday saddexda ciyaartoy ee Reece James, Kyle Walker iyo Kieran Trippier.

Waxa kale oo xulka qaranka England ka maqan saddexda ciyaartoy ee dhaawaca ah ee Jordan Pickford, Jordan Henderson iyo Jack Grealish.

1 Fekrad

  1. Arnold O Laga Reebay Qarankiisa Laba Yaabani Ee Waxaan Ka Yaabay Sidaad Ciwaanada Liverpool Ku Saabsan Uga War bixisaan O Waliba Hadalada Lidka Ku Ah Jeebkiina Uga Darsatan Sida Hada Idinka Arko Ah In Maxalinka England Arnold Ku Tilmaamay Ciyaaryahan in Yar Lee Hab Wanaagsan Soo Bandhigay Sidaas Hadalka Ma Aheyn Ee waa Jeebkiina.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*