Gareth Bale Oo War Buuxa Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Real Madrid & Zidane Oo Xog Ka Helay Xiddiga Uu Khaatiga Ka Taagnaa

Xiddiga garabka weerar ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Wales ee Gareth Bale oo qaab amaah ah kula jooga kooxda ree London ee Tottenham ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa dhaw iyo qorshaha uu doonayo inuu Madrid ugu laabto xilli ciyaareedka dambe.

Advertisements

Kabtanka Wales ayaa xilli ciyaareedkan amaah ku qaadanaya Tottenham balse heshiiskiisa Real Madrid ayaa ah mid uu xilli ciyaareed kale ka hadhay kaas oo dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Image

Bale oo saxaafada la hadlayay kahor kulanka ay Belgium la ciyaarayaan ee isreeb-reebka koobka aduunka ee 2022 ayaa sheegay in qorshaha uu ugu biiray Tottenham uu ahaa inuu ciyaaro xilli ciyaareedkan si uu taam ugu noqdo tartanka Euro balse uu ku laaban doono Real Madrid.

Gareth ayaa yidhi “Waxaan filayaa in sababta ugu muhiimsan ee aan u imid Spurs sanadkan waxay ahayd inaan ciyaaro ugu horreynba”

“Anigoo tagaya Euros waxaan doonayay inaan noqdo mid kulanka taam u ah, qorshaha asalka ahi waxa uu ahaa inaan xilli ciyaareed joogo Spurs kaddib Euros-kana hal xilli ciyaareed ayaa iigu hadhsan Real Madrid, qorshahaygu waa inaan ku laabto, taasi waa waxa aan ilaa hadda qorsheeyay”

Gareth ayaa lagu xasuustaa dhibta ay ku wada joogeen tababare Zinadine Zidane oo marar badan si cad garoonka dhexdiisa loogu arkay inay isku dhiban yihiin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*