Garankii & Kabihii Uu Bruno Fernandes Ku Ciyaaray Kulankii Man City Oo La Iibinayo Iyo Qiimaha Waallida Ah Ee Lagu Kala Iibsanayo

Bruno Fernandes ayaa suuqa soo dhigay kabihii iyo garankii uu ku ciyaaray kulankii Manchester derby ee ay kooxdiisu ku garaacday Man City, waxaana lacagta kasoo baxda uu ugu tabacarucay laba carruur ah oo xanuunsanaya.

Advertisements

Fernandes ayaa dhaliyey goolka koowaad oo rikoodhe ahaa kulankii ay kooxdiisu 2-0 ku garaacday Manchester City oo ay kasoo afjareen 21 ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay soo guuleysanaysay.

Xiddiga reer Portugal ayaa shaadkii iyo kabihii waxa uu dhigay sayladda, iyadoo uu baraha bulshada soo dhigay sawir uu kor u hayo si uu u tuso jamaahiirta in ay yihiin kuwii dhididka lahaa ee uu ku ciyaarayay 90kii daqiiqadood ee kulankaas.

26 jirkan ayaa shaaciyey in qiimaha lagu iibinayo dharkan uu yahay £720,000 Gini oo uu si toos ah ugu wareejinayo laba carruur ah oo la ildaran xanuunka halista ah ee kansarka, gaar ahaan nooc dhif iyo naadir ah oo marmar uun la arko.

Advertisements

Labadan carruurta ah oo ah walaalo u dhashay Portugal oo magacyadoodu kala yihiin Leonor  oo shan jir ah iyo Jaime oo siddeed jir ah ayuu xanuunkani wada helay, waxaana loo qaadayaa cusbitaal ku yaalla waddanka Maraykanka oo lagu daaweyn doono.

Kharashka ku baxaya daaweynta Leonor iyo Jaime ayaa lagu qiyaasay inuu kor u dhaafayo illaa hal milyan oo Gini, waxaana loo sameeyey sanduuq qaadhaan oo baraha bulshada ay dadku lacagta ugaga yaboohayaan.

Bruno Fernandes ayaa kusoo biiristiisa qaadhaankan ee waliba uu u iibinayo kabihii iyo garankii uu ku ciyaaray kulankii Manchester derby, waxay bixinaysaa lacagtii ku baxaysay daaweynta labadan carruurta ah, waxaana kaliya ka dhinnaanaysa waxyar oo faro guudkood ah marka la eego inta uu bixiyey oo afar meeloodow saddex meelood.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*