Frank Lampard Oo Kusoo Laabanaya Tababarenimada & Kooxda Uu La Wareegayo Oo La Shaaciyey

Tababarihii hore ee Chelsea ee Frank Lampard ayaa kusoo laabanaya shaqada tababarenimada laba bilood kaddib markii laga caydhiyey Blues.

Advertisements

Frank Lampard ayaa shaqadiisa waayey markii ay Chelsea u degtay kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League iyadoo haysata ciyaartooyo lacago badan laga soo bixiyey xagaagii tegay, kuwaas oo soo dedejiyey in shaqada laga caydhiyo.

Laakiin Thomas Tuchel oo beddelay ayaa rikoodh cusub u dhigay kooxda iyadoo muddo 14 ciyaarood ah oo ay dheeleen aan hal marna laga  badinin, isla markaana kaalinta afraad ee horyaalka Premier League kusoo celiyey Blues.

Si kastaba, Frank Lampard ayaa hadda kusoo laabanaya shaqada tababarenimada ee uu muddada kooban ka maqnaa, waxaana markan uu laylin doonaa ciyaartooyo ay qayb ka yihiin xiddigaha Chelsea qaar ka mid ah.

Advertisements

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ka fiirsanaya in Frank Lampard ay u magacaabaan tababaraha xulka qaranka dalkaas ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirka.

Warka ayaa sheegay in Frank Lampard uu beddeli doono Aidy Boothroyd oo qandaraaskiisu uu ku eg yahay xagaaga soo socda, balse natiijooyin niyad-jab ah ka keenay tartanka Euro 2020 ee U21.

Xulka qaranka England ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirrada ayaa wali haysta fursad ay ugu gudbaan wareegga labaad ee tartanka EURO 2020 U21 ee ka socda waddanka Slovenia, waxaase u taalla shaqo adag oo ah inay ka garaacaan Switzerland iyo Portugal oo ay isku group yihiin.

Aidy Boothroyd ayaa su’aal la gelinayaa mustaqbalkiisa xulka qaranka England, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in Frank Lampard uu yahay murashaxa beddelaya.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*