France Football Oo Ku Dhawaaqday Taariikhda Rasmiga Ah Ee Lagu Dhawaaqayo Musharixiinta Abaal Marinta Ballon D’Or.

Advertisements

Waxaa xalay la bixiyay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee The Best oo ay FIFA si khaas ah u bixiso, laakiin majalad France Football oo ay FIFA ku kala baxeen abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or ayaa markeeda shaacisay xiliga abaal marintan la bixin doono.

Majalada France Football ayaa ku dhawaaqday goobta lagu qaban doono xaflada abaal marinta Ballon d’Or, taariikhda la shaacinayo 30 ka musharax ee abaal marinta ku tartami doona iyo waliba waqtiga la shaacin doono natiijooyinka codbixinta.

Lionel Messi iyo Virgil Van Dijk ayaa hadda ah labada xidig ee ugu cad cad in midkood ku guulaysan karo abaal marinta Ballon d’Or, waxayna hadda ogyihiin goobta iyo goorta la bixin doono abaal marinta Ballon d’Or 2019.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay majalada France Football ayaa lagu shaaciyay in October 21,2019 si rasmi ah loo shaacin doono liiska 30 ka musharax ee abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican u sharaxnaan doona.

Waxa kale oo isla maalintan lagu dhawaaqi doonaa liiska musharixiinta xidigta aduunka ugu fiican ee kubabda cagta dumarka iyo waliba abaal marinta da’yarka aduunka ugu fiican. halka markii ugu horaysay ay France Football bixin doonto abaal marin u khaas ah goolhayaha aduunka ugu fiican.

Abaal marinta da’yarka aduunka ugu fiican ee Kopa Trophy iyo goolhayaha ugu fiican oo loo bixiyay Yachine Trophy ayaa ku biiray abaal marinihii la siinayay xidiga iyo xidigta aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or.

Advertisements

Waxaa sidoo kale la shaaciyay in magaalad Paris lagu qaban doono xaflada abaal marinaha Ballon d’Or gaar ahaan Théâtre du Châtelet, waxaana xafladan la qaban doonaa December 2,2019.

Sidaa daraadeed, France Football waxay sanadkan qaban doontaa xaflad wayn oo ay ku bixin doonaan abaal marino ka badan intii hore iyada oo goobta xafladan loo xushay tahay Théâtre du Châtelet.