Floyd Mayweather Oo Ku Faanay Inuu Ka Fiican Yahay Muhammad Ali Kalaay Iyo Mike Tayson Oo Jawaab Kulul Siiyay

Advertisements

Mike Tyson ayaa sheegay inuusan wax qiimeyn ah u heynin Mayweather haddii ay ahaan laheyd feeryahanimo iyo bani’aadam ahaan.

Advertisements

Mayweather oo badiyay dhamaan 50kii feer ee uu dagaalamay ayaa sheegay inuu yahay feeryahankii ugu fiicnaa abid. Wuxuu sheegay inuu xitaa ka fiican yahay halyeeyga Allaha u naxariistee Muhammad Ali Kalaay.

Mike Tyson oo isna ah halyeey kale ayaa jawaab kulul siiyay Floyd ‘Money’ Mayweather.

“Waa nin khiyaali ku jira” ayuu yiri Tyson. ” Dhageyso, haddii uu xitaa u dhow yahay halyeey u weyn sida Muhammad Ali, waxa uu awoodi lahaa inuu caruurtiisa isaga iskuulka geysto.

“Cabsi darteed caruurtiisa ma geysan karo iskuulka, waxaana uu ka hadlayaa inuu yahay feeryahankii ugu weynaa.

“Weynaanta ma ahan inaad dadka iska ilaaliso, waa inay dadku ku aqbalaan.

“Caruurtiisa ma geyn karo iskuulka isaga kaligiis. Waa nin yaroo baqaya. Waa nin aad u yar oo baqdin ay ka buuxdo.”

Dhanka kale Mayweather ayaa lacag badan sameeyay markii uu ka badiyay dagaalyahanka reer Japan Tenshin Nasukawa horaantii sannadkan 2019, isagoo ku burburiyay wareegii koowaad.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Tartanka Da'yarka Mucjisada Ah Ee Haaland Oo Adkaaday & LABA Kooxood Oo Kula Soo Biiray Tartankiisa.

Mayweather ayaa dhulka dhigay Nasukawa sedex jeer ka hor inta aan ciyaarta la joojinin iyadoo 41 jirkaan uu ciyaartaas ku helay 9 milyan doolar.

Waxa uu haatan doonayaa inuu la feertamo xiddiga UFC Khabib Nurmagomedov.

Comments are closed.