Filipe Scolari Oo Magacaabay Labadii Xiddig Ee Ka Ceyriyay Chelsea & Wixii Ay Ku Sameeyeen

Tababare Luiz Felipe Scolari ayaa shaaca ka qaaday in Didier Drogba iyo Nicolas Anelka inay sabab u ahaayeen in laga ceyriyo shaqadiisii tababare ee Chelsea.

Advertisements

Scolari ayaa Stamford Bridge yimid isagoo loo arko mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican dunida, wuxuuna bedelay Avram Grant sannadkii 2008, laakiin wuxuu shaqada ku waaray kaliya todoba bilood.

Tababaraha reer Brazil ayaa waqti gooban joogay Stamford Bridge isagoo ceyrintiisa u sababeey xiriir xun uu la lahaa labada weeraryahan.

“Waxaan isku dhacday hal ama labo ciyaaryahan” ayuu Scolari u sheegay Yellow and Green Football.

Advertisements

Markii la weydiiyay inuu magacaabo ciyaartoyda ay isku dhaceen ee sababta u ahaa ceyrintiisa, Scolari ayaa magacaabay Anelka iyo Droga.

Scolari iyo Drogba ayaa isku dhacay xilli uu xiddiga reer Ivory Coast dhaawac ku maqnaa.

Drogba ayaa la sheegay inuu doonayay inuu u ambabaxo magaalo xeebeedka Cannes ee dalka Faransiiska si uu halkaas ugu soo kabsado halka Scolari uu ku amray inuu sii joogo London.

Anelka ayaa wacdarro dhigay intii uu maqnaa Drogba iyadoo markii Drogba uu soo laabtay uu Anelka ku hogaaminayay gooldhalinta horyaalka 19 gool.

Qorshaha Scolari waxa uu ahaa inuu abuuro shax u ogolaaneysa inuu wada ciyaarsiiyo Drogba iyo Anelka, taasoo ku adkaatay tababaraha reer Brazil. Anelka ayaa diiday inuu ka garab dheelo Drogba oo uu u baneeyo booska No.9 halka Drogba isna uu diiday boos aan aheyn No.9 taasoo keentay in Scolari uu baxo.

Scolari ayaa yiri: “Anelka waxa uu ahaa hogaamiyaha gooldhalinta horyaalka. Aniga iyo Anelka kulan ayaan yeelanay, wuxuu igu yiri ‘Aniga kaliya hal boos ayaan ka dheelaa’. Sidaasi darteed waxaa jirtay ixtiraam la’aan iyo saaxiibtinimo la’aan diiday inay isaga iyo Drogba isla ciyaaraan.

“Waa markaas markii ay xaalada igu xumaatay. Laakiin tan iyo markaas waan is aragnay Drogba, waxaan isku aragnay Koobkii Adduunka ee 2018, si furan ayaan u wadahadalnay.

“Wax xumaan ah uma qabo isaga iyo Anelka. Laakiin sidaas ayay igu dhigeen, waxaana waayay mid ka mid ah fursadihii ugu fiicnaa nolosheyda.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*