FIFA Oo Soo Dhex-gashay Doodda Kooxaha Iyo Ciyaartoyda Ee Mushahar Dhimista, Qodobbada Naadiyada Caawinaya Ee Ay Soo Saartay Iyo Awaamiirta La Faray Kooxaha

Advertisements

Hoggaamiyeyaasha sare ee xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa khamiistii kulan saddex saacadood qaatay la yeeshay ururka naadiyada iyo ururka ciyaartoyda ee magacyadooda loosoo gaabiyo ECA iyo FIFPro, waxaanay gorfeeyeen mushkiladda uu adduunka ku keenay caabuqa Coronavirus iyo dhibaatada dhaqaale ee naadiyada saaran.

Dhinacyada ayaa la sheegay inay isla qaateen in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin cusub oo lagaga kubadda cagta adduunka lagu badbaadinayo waqtigan adag ee dhaqaale burburka uu ku keenay hakadka ku yimid guud ahaan ciyaaraha.

Shirka waxa laga soo saaqay hindeyaal loo beddeli doono sharci ay ku dhaqmaan kooxaha iyo ciyaartoydu muddada ay dhibaatadani jirto, taas oo hirgelinteedu bilaabmi doono toddobaadka dambe.

Tallaabooyinkan oo saamayn weyn ku yeelan doona heshiisyadii ciyaartoydu kula jireen naadiyadooda, ayaa waxa uu kooxaha siinayaa awood iyadoon cidna waxba ka weydiinin ay ku dhinto konton boqolkiiba (50%), taas oo aanay ciyaartoyguna ka hor iman karin.

Advertisements

Go’aanka noocan ah oo kooxo ka tirsan horyaalka Premier League ay horeba u hirgeliyeen, waxa kooxaha aan loo ogolayn inay buriyaan heshiisyo ay ku jireen sida ciyaartoyda aan muhiimka u ahayn iyo shaqaalaha, waxaanay xaaladdan cusub socon doontaa illaa inta ay wax walba caadi kusoo noqonayaan ee ay dib u bilaabmayaan ciyaaruhu iyagoo taageereyaashuna imanaya.

Xattaa marka horyaalladu dib u bilaabmaan, haddii lagu ciyaaro garoomo madhan, ciyaartoydu waxay wali kusii jiri doonaan mushaharka kala-badhka laga jaray, marka ay wax walba caadiga noqdaanna, ciyaartoydu ma heli doonaan lacagihii hore looga jaray oo looma xisaabinayo sidii ay ahayd deyn ay ku leeyihiin kooxahooda, waxaase halkaas laga ambo-qaadi doonaa fulinta heshiiskii hore ee ka hor xilligii dhibaatada.

 

 

Comments are closed.